Xasaasiyadda caanaha lo’da:
Marka qofku xasaasiyad ku leeyahay caanaha lo’da waxaa uu difaaca jidhku dareemaa borotiinka ku jira caanaha, isaga oo sameeya walxaha xasaasiyadda (IgE) ama firfircooni geliya unugyada caabuqa ama labada nooc oo isku dhafan.
Markasta oo uu qofku cuno cunto uu borotiinka caanuhu (melkeproteiner) ku jiro, waxa uu difaaca jidhku samaynayaa dareen xasaasiyadeed, waxaanu siidaayaa maadooyin ay ka midyihiin (histamin) ama caabuq ku salaysan habka (T-celle). Maaddada ”Histamin” qaybo badan oo jidhka ka mid ah ayaa soo tuura waxana ay keentaa tusaale ahaan astaamaha ay ka mid yihiin shuban, matag, calool-xanuun ama dhibaatooyin maqaarka (sida cuncun iyo canbaar).
Caanaha lo’da waxaa ku jira in ka badan 25 nooc oo borotiin ah oo uu ka dhalan karo dareen xasaasiyadeed oo ku iman kara dadka caanaha xasaasiyadda ku leh. Dadka qaarkood nooc keli ah ayay xasaasiyad ku leeyihiin, halka dadka badankoodu ay noocyo badan ku leeyihiin. Caanaha xoolaha kale ee naaska nuujiya sida riyaha, fardaha iyo lo’da nooca loo yaqaano ”buffalo” da waxaa ku jira in badan oo la mid ah isla borotiinkaa, sidaa daraadeed dadka xasaasiyadda caanaha ku leh badankoodu waa in ay iska ilaaliyaan caanaha laga soo lisay xoolaha kale ee naaska ilmahooga nuujiya. Waxaa taasi aanay khusayn dad tiro yar oo iska xejiya caanaha aan kuwa lo’da ahayn. Qofku xasaasiyad kuma yeelan karo caanaha naaska ee hooyada. Laakiin haddii hooyaddu ay cabto caano lo’aad waxaa dhici karta in borotiinada ku jiraa ay u gudbaan ilmaheeda iyaga oo u sii raacaya caanaha naaskeeda isla markaana ilmaha ku kiciyaan waxyeelo.
Astaamaha:
Way kala duwan yihiin oo qofka ayay ku xidhan tahay waxyaabaha astaamaha u ah xasaasiyadda caanuhu. Xasaasiyaddu dadka qaarkood waxaa ay ugu kici kartaa si aan khatar badan lahayn oo fudud, halka qaarna ay qiyaas yar oo caano ahi keeni karto dareen xasaasiyadeed oo balaadhan. Dhibaatooyinka ku yimaada caloosha iyo habka saxaro-mareenku waa wax caadi ah, halka cuncun ku yimaada afka, cunaha, xuubka xabka oo barara iyo qofka oo aan naqaska si fiican u qaadani aanay wax sidaa u sii caadi ah ahayn. Laakiin waa wax dhici kara, siiba ku dhica kara carruurta yaryar. Canbaarta oo soo kacda iyo cuncun ka soo bax keena oo maqaarka jidhka ka soo baxaa waa wax caadi carruurta yaryar u ah.
Yay ku dhacdaa?
Xasaasiyadda caanuhu waa ta caadiga ah ee ku dhacda carruurta yaryar, taas oo ay ugu wacan yihiin caanaha lo’da oo ah cabitaan badanaaba xilli hore oo nolasha ilmaha ku beegan ka mid noqda quudkiisa. Qiyaastii boqolkiiba 2-5 ka mid ah carruurta yaryar ee norweyjiga ah (0-3 jirka) ayaa xasaasiyadda noocan ah leh.
Carruurtu markiiba way la qabsadaan, qaar ka mid ah waxay ka tagtaa sannad badhkii ka dib, badankoodana waxay ka tagtaa marka ay gaadhaan 3-da sannadood.
Qaar ka mid ihina waxay xasaasiyaddanu haysaa noloshooda oo dhan. Ma jirto wax qiyaas ah oo ku saabsan sida ay ugu dhacdo dadka da’ yarta ah iyo kuwa waaweyn midna, laakiin waxaa loo malaynayaa in inta ay ku dhacdaa ay waxoogaa ka hoosayso 1% ka mid ah dadweynaha.
Ogaanshaha:
Si loo ogaado in qofku xasaasiyad ku leeyahay caanaha, wuxuu dhakhtarku qiimeyn ku sameeyaa qofka xanuunadii hore ugu soo dhacay, waxaanu ka qaadaa dhiig loogu talogalay in laga eego waxyaabaha lidka ku ah maadooyiinka keena xasaasiyadda iyo hal mar oo tijaabo saritaan la qaado (prikktest). Waxaa intaa sii dheer si loo xaqiijiyo tuhunka la tuhunsan yahay xasaasiyadda caanaha, waxaa fiican in muddo la iska daayo waxyaabaha caanahu ku jiraan kadibna dib loo bilaabo. Carruurta aan in muddo ah caano la siin iyada oo ay ugu wacan tahay xasaasiyadda caanaha lo’du, waxaa wanaagsan in laga qaado tijaabo u kas ah oo lagu tijaabinayo caanaha lo’da si loo eego in ay xasaasiyaddii ka tagtay iyo in kale.
Maxaa lagu bedeli karaa caanaha?
-Cabitaan: Carruurta yaryar waxaa wanaagsan in ay helaan caanaha bedelkooda, oo loogu talogalay dadka xasaasiyadda leh. (tusaale ahaan Soya-Semp, ProSobee, Profylac, Nutramigen, Pepdite ). Waxaa lagu soo qaadaan karaa warqadda dawada lagu qoro ee (blå resept), waxaana laga heli karaa farmasiiga. Dhalinyarada iyo dadka waaweyni waxay isticmaali karaan cabitaanadda caanaha oo kale ah sida ”rismelk”, ”havremelk”, ”soyamelk” iyo qaar kale oo la mid ah. Caanaha laga sameeyo bariiska (rismelk) iyo kuwa hadhuudhka laga sameeyey (havremelk) waxa ay ku habboon yihiin in cuntada lagu sameysto. Waxaa lagu talinayaa in la soo helo oo kale wax lagu bedesho sharaabka la qaso iyo ka soodhaha leh marka cuntada la cunayo iyo marka harraadka loo cabayaba.
-Cunto samaynta: Caanaha caadiga ah bedelkooda ee laga helo farmasiigu waa qaar badankooda loo isticmaali karo cuntooyinka la samaysanayo. Iyada oo ay ku xidhan tahay cuntada la samaynayaa nooca ay tahay, ayaa waxaa lagu karin karaa biyaha tufaaxa (eplemost) biyaha cad, caanayowga laga sameeyey bariiska, sooyada, qunbaha ama hadhuudhka.
-Cuntooyinka kale ee caanaha ka samysan: lama isticmaali karo jiis (ost), margarin, subag (smør), yoghurt, labeen (fløte), iskrem ama ”rømme” midna. Waxaa jira margarin aan laga samayn caano iyo cuntooyin kale oo badan oo lagu bedelan karo kuwa caanahu ku jiraan. Kuwaas oo laga sameeyey midhaha ”soya”, ”solsikke” iyo waxyaalo kale oo dhir ka sii samaysan.
-Nafaqooyinka: Caanaha waxaa laga helaa fitamiinka B-da, kaalsiyum, borotiin iyo tamar. Waxaa badanka muhiim ah in la isticmaalo wax kale oo laga helo maadadda kaalsiyuum marka la iska daayo caanaha. Cuntada waxaa wanaagsan in laga dhigo mid isu dheelli tiran si looga helo tamar iyo nafaqo habboon. Dufanka iyo borotiinka bedelkooda waa in carruurta yaryar la siiyaa marka laga daayo caanaha.
Halkee laga helaa borotiinka caanaha?
Caanuhu waxay ku jiraan cuntooyin badan oo diyaar ah iyo cuntooyinka warshadaysanba. Sidaa daraadeed waxaa muhiim ah in la akhriyo qoraalka ku dhejisan marka cunto dukaanka laga soo iibsanayo. Halkan waxaa la soo xulay erayo ka mid ah qoraalka cuntada ku dul dhejisan oo sheegaya in borotiinka caanuhu cuntada ku jiro:
Crème fraiche, fløte, is, kasein, kaseinat, kesam, laktalbumin, margarin, myse, mysepulver, ost, ostepulver, rømme, smør, yoghurt, yoghurtpulver.
Haddii nuxurka cunto ay caano ku jiraan waa in lagu caddeeyaa galka cuntada. Subaga laga sameeyey qunbuhu (kakaosmør) ma aha sida subaga caadiga ah oo kale sidaa daraadeed waa la isticmaali karaa.
Dareemada kale ee caanaha jidhku ka bixiyo:
Dad badani waxay sheegi karaan in aanay iska xejin karin caanaha. Dareemada kale ee caanaha laga bixiyo waxaa loo yaqaan jidhka oo aan la qabsan borotiinka caanaha (melkeproteinintoleranse) iyo maaddada laktose (Laktoseintoleranse) waana eray bixin loo adeegsado marka ay shaybaadhis ku suurtogeli weydo in qofka la ogaado in xasaasiyadi hayso, laakiin marka caano la siiyo la ogaado in aanu qofkaasi iska xejin karayn caanaha. Inta badan qofku wuu iska xejin karaa qiyaas yar oo caano ah, dareenkanu ma aha markiiba mid ku soo kaca laakiin waa mid muddo ka dib yimaada. Mana aha mid aad u khatar ah sida ka xasaasiyadda oo kale.
Iska xejin la’aanta maadadda laktose waa qofka jidhkiisa oo dareen diidmo ka bixiya sonkorta ku jirta caanaha. Waxaa yar awooda mindhicirka qofku u leeyahay in uu shiido maadada (laktose), taas oo ay ugu wacan tahay in soo jeeditaanka dheecaanka (laktase) oo isagu qaabilsan shiiditaankanu uu yar yahay. Arintanu waa mid aan khatar lahayn, laakiin qofka yara carqaladayn karta. Inta badan qofku wuu iska xejin karaa qiyaas yar oo caano ah. Qofka cuntadiisu waxay noqon kartaa jiiska huruuda ah(gulost) iyo caano laga yareeyo madadda laktose iyo badanaaba waxyaabo caano laga sameeyey laakiin la dhanaaniyey. Caanaha sonkorta leh (søtmelk) iyo jiiska buniga ah (brunost) waa in la iska ilaaliyaa.