Waa maxay midhaha ”soya”?
Midhaha ”soya” waa nooc khudaarta ka mid ah. Khudaarta noocan ah waxaa laga soo saari karaa borotiin, sonkor, saliid iyo fiibar, kuwaas oo marka danbena lagu dhex dari karo cuntooyin kala duwan.
Waa maxay xasaasiyada midhaha ”soya”?
Xasaasiyadda midhaha ”soya” waa nooc ka mid ah noocyadda xasaasiyadeed ee cuntada. Dareenada xasasaasiyadeed ee cuntooyinkana waxaa keena in jidhku uu borotiinada cuntada ku jira qaarkood diido. Dadka qaarkood waxa uu jidhkoodu muujiyaa diiditaan aad u weyn, xataa haddii qiyaas yar ay ka cunaan cuntada aanu jidhkoodu iska xejin karayn, halka qaarna jidhkoodu diidmo yar oo aan weyneyn sameeyo, isla markaana aanu wax dhibaato ah oo kalena u keenin. Xasaasiyadda cuntadu waxay ku badan tahay carruurta marka la barbar dhigo dadka waaweyn. Dadka badankooda xasaasiyadda cuntadu way ka tagtaa marka ay koraan. Carruur badan oo ka mid ah kuwa xasaasiyadda cuntada leh, waxaa uu jidhkoodu diidaa cuntooyin badan oo kala duwan. Haddii uu jidhkoodu diido cunto nafaqooyin muhiim ah ay ku jiraan, waa in loo helo bedelkeeda si ay cuntadu ugu noqoto mid isku dheelli tiran. Dareen yar oo diidmo ah oo uu jidhku ka bixiyo midhaha ”soya” waa caadi, laakiin ma badna in ay dhacdo in uu jidhku ka muujiyo dareen diidmo oo weyn.
Xaggee laga helaa borotiinka midhaha ”soya”?
Maadaama uu borotiinkani yahay mid aad u nafaqo badan oo hawlo kala duwana uu qabto, waxaa lagu daraa cuntooyin badan. Tusaale ahaan waxaa laga heli karaa hamburgerka, ”fiskekaker”, ”pizza” iyo cuntooyinka kale ee la dubo. Cuntooyin badan oo ay cunaan dadka xasaasiyadda caanaha ku leh iyo kuwa qaba xanuunka dheefshiidka ee ”cøliaki” ayaa waxaa laga sameeyey midhahan. Taas oo ay ugu wacan tahay in borotiinka midhaha ”soya” uu yahay bedel wanaagsan (xaga nafaqada iyo hawlaha kale ee uu qabtaba), waxaanu bedelu noqdaa borotiinka caanaha iyo maaddada ”gluten” ka. Midhaha ”soya” marka biyaha laga saaro ayaa waxaa laga sameeyaa cuntooyin loo isticmaali karo caano ahaan iyo jiis ahaan. Habab kale iyada oo la isticmaalayana waxaa laga sameeyaa ”soyasaus”, ”miso”, ”tofu” iyo tempe”.
Dareen diidmo oo noocma ah?
Dareemada diidmo ee uu jidhku bixiyo marka qof midhahan xasaasiyadda ku lihi uu cuno cunto ay “soya” ku jirto wuu kala duduwan yahay. Dareemadaa diidmo tusaaalooyin ka mid ah ayaa ah shuban, calool xanuun, xiiq, canbaar ka sii darta, neeftuur iyo shoog xasaasiyadeed.
Sidee loo daweeyaa xasaasiyadda ”soya”da?
Sida keli ah ee lagu daweyn karo xasaasiyaddan ayaa ah in la iska daayo cuntooyinka borotiinka “soya” uu ku jiro.
Dadka midhaha ”soya” xasaasiyadda ku leh maxay cuni karaan?
Borotiinkan lagama helo cuntooyinka ka samaysan caano, beed, hilib, kaluunka, qolofleyda badda, khudradda cagaaran iyo ta macaan, saliida, iyo midhaha(nøtter).Dad ka mid ah kuwa xasaasiyadda ku leh “soya” ayaa waxa kale oo ay xasaasiyad ku leeyihiin cuntooyinka sida midhaha( erter), fuulka, misirka iyo lawska, sidaa daraadeed waa in ay iska ilaaliyaan. Badanaa ma dhacdo in borotiinka “soya” du uu ku jira macmacaanka iyo nacnaca. Cuntooyinka khudradda ka samaysan, cuntooyinka shisheeyaha iyo waxyaalaha caafimaadka ee dalka dibadiisa lagu soo sameeyo ayaa waxaa badanaa ku badan boroutiinka “soya” marka la barbar dhigo cuntooyinka norweyjiga ah ee la yaqaan.
Dad ka mid ah kuwa xasaasiyadda ku leh soya ayaa waxa kale oo ay leeyihiin xasaasiyad cuntooyin kale ah.
Maadama borotiinkan cuntooyin badan lagu daro, waxaa muhiim ah in si wanaagsan loo akhriyo warqada cuntada ku dul dhejisan.
Ka warran saliidda midhaha ”soya” iyo saliidda khudaarta?
Saliidda nooca laga sameeyo midhaha “soya” (oo inta badan qoraalka cuntada ku dul dhejisan u qoran in ay tahay saliid midho khudradeed “vegetabilsk olje”) waxaa loo arkaa in ay tahay mid ay isku halayn karaan oo ay isticmaali karaan dadka xasaasiyadda ku leh midhaha “soya”. Marxaladaha warshadeynta ayaa ka saara borotiinka dhaliya dareenka xasaasiyadeed. Waddamo kale ayaa waxaa lagu sameeyey baadhitaano saliido kala duwan, gunaanadkiina waxa lagu soo gabogabeeyey in aanay ku jirin borotiinka soya. Qaar ka mid ah soo saarayaasha kuwa ugu waaweyn ee Norway ka jira ,ayaa waxay sameeyaan tijaabooyin u caado ah oo ay ku eegaan in aanay ku jirin hadhaa borotiinka “soya” ah marka ay samaynayaan saliidda/subaga.
Waa sidee maadada loo yaqaano “soyalecitin”?
“Soyalecitin” waxaa ku jiri kara raad ka hadhay borotiinka “soya”, iyada oo ay ugu wacan tahay wasakh soo gaadha marka la warshadaynayo. Badanka waa qiyaas aad u yar, maadaama qiyaaso yar oo “soyalecitin” ah cuntada diyaarka ah lagu isticmaalo, ma aha wax caadi ah in dadka xasaasiyadda ku leh “soyalecitin” lagala taliyo oo la yidhaahdo iska ilaaliya.
Waa sidee borotiinka khudaarta ee haydorojiinta lagu nadiifiyaa (HVP)?
Marka lagu maydho haydorojiin waxaa dhacaysa in borotiinku baaba’o, isla markaana awooddii markii hore uu lahaa aanu yeelan. Taasu waxyaabaha ay keenayso waxaa ka mid ah in aanay dareenkii xasaasiyadeed ee ay kicinaysay aanay kicin karin.
Calaamadinta cuntada
Haddii cuntada ay ku jirto “soya” waa in qoraalka ku dul dhejisan lagu sheegaa. Waxyaabaha markaa la iska ilaalinayaa waa borotiinka “soya” (soyaprotein), daqiiqda ay ku jirto “soya” (soyamel), “miso”, midhaha faasooliyaha (soyabønner), “tofu”, borotiinka khudaarta (vegetabilsk protein) iyo sooska ay ku jirto “soya” (soyasaus).