Waa maxay dareenada isu tallowgu?
Marka dadka xasaasiyadda manka lehi ay dareemaan diidmo jidhkoodu uu samaynayo marka ay cunaan furuto iyo khudaar cagaaran, waxaa ugu wacan in cuntada ay cuneen uu ku jiro burutiin aad ugu eeg ka kiciya xasaasiyadda manka. Taasi waxay keentaa in habka difaaca ee jidhku aanu kala garan burutiinka cuntada noocan ah ku jira iyo ka xasaasiyadda manka (pollen) ku jira. Arintani waxay keentaa in uu qofka jidhkuusu dareemo dareen xasaasiyadeed oo loo yaqaan dareenka isu tallowga.
Yuu ku dhacaa dareenka diidmada ee isu tallowgu?
Dadka aadka ay dhibaatada xasaasiyadda manku ugu hayso ayaa ah kuwa iyagana dareenka xasaasiyadda ee isu tallawga ahi uu dhibo. Dadka xasaasiyadda manka leh qaarkood xilliyadda ay xasaasiyadani jirto oo keli ah ayay cuntada xasaasiyad ku leeyihiin, halka qaar kalena markasta ay leeyihiin. Dareenka xasaasiyadeed ee uu qofku yeelan karaa waxay ku xidhan tahay qofka, dadka xasaasiyadda manka ku leh oo dhammina malaha dareenkan diidmo ee isu tallowga .
Astaamahee ayaa dareenka isu tallowga ah lagu gartaa?
Dad badan oo xasaasiyad ku leh geedka (bjørk) waxay dareemaan diidmo uu afkoodu bixinayo marka ay cunaan khudrad qeedhin, siiba marka ay tahay xilliga xasaasiyadda. Eray bixinta ” Xasaasiyadda afka” waxaa loo isticmaalaa dareenka diidmo ee cuntada laga dareemo ee uu qofku afkiisa ku yeesho.Dadka qaar waxay dareemaan in ilaa iyo dheguhu cuncunaan. Astaamuhu way ka sii dari karaan waxaanay u sii gudbi karaan xubno badan oo jidhka ka mid ah, marka ay ugu daran tahayna waxay keeni karaan in uu qofku qaado shoog aad u khatar ah , laakiin arrintanu ma aha mid u caadi ah dadka ku nool Waqooyiga-Yurub.
Qiyaasaha inta ay leeg tahay imaanshaha xasaasiyadda isu tallowga ahi:
Qiyaas ahaan 70 % dadka xasaaasiyadda ku leh geedka(bjørk) waxaa ay yeeshaan dareen diidmo oo xasaasiyadeed marka ay cunaan cuntooyinka midhaha “nøtter”, “kiwi” ama kaarootada qaydhin tufaaxa iyo isteroberiga (pærer). Kuwa xasaasiyadda ku leh dooggaa “Burot” waxa ay dareen diidmo ka muujiyaan geedka “selleri” iyo xaawaashyo dhir ka samaysan oo badan oo kale. Sida caadiga ah qofka waxaa ku kaca dareen diidmo oo xasaasiyadeed oo ka manka ah (pollen) marka danbena wuxuu noqdaa mid isu tallow ah. Si qofku uu dhibaatadan uga badbaado waxaa muhiim ah in uu yeesho aqoon ku saabsan waxyaabaha kiciya dareenka diidmo ee xasaasiyada nooca isu tollowga ah.
Daaweynta xasaasiyadda nooca isu tallowga ah:
Dawo la qaataa macnaheedu ma aha mid sidaa u sii weyn marka ay noqoto ka hortaga xasaasiyadda nooca isu tallowga ah. Qofku wuxuu tijaabin karaa dawada (antihistaminpreparater),laakiin waxtarkeedu ma aha mid la hubo. “Immunterapi” la sameeyo iyada oo la isticmaalayo walxaha xasaasiyadda keena ee cuntada ku jira ayaan hadda suurtogal ahayn, laakiin waxaa dhici karta in ay suurtogal noqoto mustaqbalka. Daraasado la sameeyey ayaa waxay tusayaan in hab-daweynta loo yaqaan (immunterapi) oo la isticmaalayo walxo-xasaasiyeedka geedka (bjørk) in ay keeni karto natiiyo wanaagsan oo wax ka tarta dareenka diidmo ee isu tallowga ah.
Norway waa wax aad u yar in ay dhacdo in dareen diidmo oo aad u khatar ah oo uu ugu wacan yahay dareen isu tallow oo cunto ka yimi. Dadka kuwa tirada yar ee dareema dareen diidmo oo khatar ah oo xasaasiyadeed waxaa u wanaagsan in ay qaataan talaalka “Epipen”.
Baadhitaanka xasaasiyadda cuntada ee la eegayo nooca isu tallowga ah:
Waxaa muhiim ah in qofka si wanaagsan loo ogaado xanuunadii hore ugu dhacay. In lagu tijaabiyo khudrad qeedhin oo cagaaran iyo fururto ta macaan labadaba. Waxaa iyaduna wanaagsanaan karta in tijaabo dhiig qofka laga qaadayo (IgE), laakiin tani badanaa ma aha mid wax warbixin ah laga helo.
Jadwalka dareenka diidmo ee isu tallowga
|
Bjørk (iyo badanaaba “or” iyo “hassel”) |
”Timotei” iyo doogga noocyada kale |
”Burot” |
|
”Hasselnøtter”, ”valnøtter”, ”paranøtter”, ”cashewnøtter” |
Noocyadda badarka:
Galley, haruur, qamadi, sarreen |
”Selleri” |
|
Khudaarta nooca lafta leh: tufaaxa, isteroberi, ”fersken”, ”kirsebær”, ”nektarin”, ”plomme”, ”aprikos” |
Furutada nooca loo yaqaan ”Belgfrukter”:
Tusaale ahaan faasuuliyaha |
Basalbaar |
|
Kaarooto (qeedhin) |
Xabxabka |
Barbarooni |
|
Baradho qeedhin |
|
Basasha |
|
”Kiwi” |
|
Xawaashyada, ”persille”, barbarooni, kamsare, toon, karri, khamuun, ”oregano” |
|
”Selleri” |
|
Iniin gabbaldaye |
Talooyin wanaagsan:
Haddii uu qofka jidhkiisu dareen diidmo ku leeyahay cuntooyinka liistada ku jira mid ka mid ah, khasab ma aha in uu ku yeesho kuwa kale ee iyaguna liistada ku jira. Sida caadiga ah cuntadu waa mid jidhku iska xejin karo haddii la kariyo, diirka laga qaado ama siyaabo kala duwan loo wershadeeyo.
Waxaa qofka lugala talinayaa in uu ka fogaado cuntooyinka ku kicinaya dareen diidmo oo uu jidhkiisu sameeyo. Xasaasiyadda isu tallowga ahi ma aha mid ka sii darta xasaasiyadda manka ee uu qofku hore u qabay. Ma jirto wax sabab ah oo kalifaya in dadka xasaasiyadda ku leh geedka ”bjørk” ay iska daayaan khudrada cagaaran ee qeedhin.
Dhirta (Burot) ayaa waxay ka tirsan tahay qoys-dhireedka ”kurvplanter”, sidaa daraadeed qofka xasaasiyad ku leh geedka ”burot” wuxuu xasaasiyad ku yeelan karaa dhirta kale ee qoyskan ka tirsan sida ”prestekrage”, ”løvetann”, ”asters” iyo ”krysantemum”. Qof ka leh xasaasiyadda noocan ah, isla markaana dareen diidmo oo aan badnayn ku leh geedka ”selleri” sida caadiga ah iskama xejiyo jidhkiisu ”selleri” la kariyey iyo mid qeedhin midna. Halka qofka xasaasiyadda ku leh geedka ”bjørk” uu iska xijiyo geedka ”selleri” marka la kariyo.
Xasaasiyadda khudrada lagu yeeshaa dhibaato weyn kuma hayso dadka xasaasiyadda ku leh geedka ”bjørk”, laakiin qaarkood waxay dareemi karaan dhibaato. Inta badan tusaale ahaan way iska xejin karaan xabxabka, cananaaska, cinabka nooca khamriga laga sameeyo, muuska iyo furutada liin dhanaanta. Waxa kale oo ay cuni karaan badanaaba noocyada isteroberiga ee ”bringebær”, ”rips”, ”blåbær” iyo ”tyttebær”. Baadhitaano Jarmalka lagu sameeyey waxay tusayaan in tufaaxa qaar ka mid ah uu jidhku iska xejin karo. Sidaa daraadeed waxaa wanaagsanaan karta in uu qofku noocyo kala duwan tijaabiyo. Badanaaba tufaaxa nooca cas ayaa jidhku iska xejin karaa marka la barbar dhigo ka cagaaran. Waxa kale oo uu qofku samayn karaa tufaaxa ayuu diiri karaa, kadibna wuxuu u dhigi karaa dabaysha in muddo ah si xasaasiyaddu uga yaraato.
Noocyada kale ee dareenka diidmo ee isu tallowga ah:
Dadka xasaasiyadda ku leh cayayaanka yaryar iyo kuwa cuntada ku dhasha
sida cayayaanka baalasha leh ee duula, kuwa aan duulin iyo baranbarada ayaa inta badan dareen diidmo ku yeesha xayawaanka qolofta adag sida ayax badeedka, aleelada, ”østers” iyo dirxi badeedka.
Dadka xasaasiyadda ku leh cinjirka (lateks), waxay dareemi karaan astaamo xasaasiyadeed marka ay cunaan khudraddaha cagaaran iyo furutada qalaad. Muuska, avokadada iyo ”kiwi” ayaa ah kuwa ugu badan ee keena, laakiin babayga, ”fiken”, baradhada, tamaandhada og ”kastanje” ayaa iyaguna sabab u noqon kara dareen diidmo oo isu tallow ah (Eeg wax ka ogow xasaasiyadda cinjirka).