Talaalka xasaasiyaddu waa daaweyn loogu talogalay qofka inta badan xasaasiyad khatar ah qabay isla markaana aanay waxba u tarin daawooyinka kale ee caadi ahi. Daaweynta noocan oo kale ah waxaa kale oo loo yaqaan ”hyposensibilisering” ama ”immunterapi”, waana in aan lagu khaldin oo la moodin talaalka xasaasiyadda ee loogu yeedho ”kortisonsprøyter”.
Talaalka xasaasiyaddu waa qiyaaso yaryar oo ka mid ah walxaha xasaasiyadda qofka ku keena oo lagu mudo maqaarka hoostiisa. Qiyaasta talaalku inta caadiga ah waa in aanay ka badan si aanay qofka ugu keenin xasaasiyad. Qiyaasta si tartiibi ku jirto ayaa loo kordhiyaa ilaa iyo inta ugu saraysa ee uu qofku iska xejin karo la gaadhsiinayo. Waxaa sidan oo kale loogu wadaa qofka sida caadiga ah 6 – 8 dii toddobaadba mar muddo 3 - 5 sannadood ah. Tani waxay qofka u suurtogelinaysaa in uu jidhkiisu barto walxahaa keena xasaasiyadda.
Xaaladahee ayaa daaweynta noocan oo kale ah la istimaali karaa?
Talaalka xasaasiyaddu waa mid loo isticmaali karo noocyada xasaasiyadda manka (pollenallergi) badankooda sida ”bjørk”, ”hassel” iyo doogga. Talaalka xasaasiyadda waxa kale oo la isticmaalaa si loo yareeyo khatarka qofka naftiisa ku iman karta marka ay qofka qaniinto shinnidu ama uu xaasaasiyad ku leeyahay. Mararka qaarkoodna waxaa dhacda in qofka laga talaalo xayawaanka iyo cayayaanka yaryar. Daraasado la samayey waxay tuseen in talaalka xasaasiyaddu uu difaaco in ay qofka xiiq ku dhacdo ama waxa uu ka caawiyaa xiiqda-xasaasiyeedka. Dadka qaba xiiqda nooca khatarta ahi ma aha in ay qaataan talaalka xasaasiyadda.
Yaa la siin karaa daaweyntan?
Ka hor inta aan la eegin talaalka xasaasiyadda, waxaa ay tahay in la soo tijaabiyo daaweynta caadiga ah ee xasaasiyadda ee (antihistaminer) iyo kuwa loogu talo galay indhaha iyo dhegaha. Haddii ay astaamaha lagu gartaa sii joogaan iyada oo la tijaabiyey kuwaa hore, waxaa la eegi karaa oo wanaagsanaan kara talaalka xasaasiyadda.
Talaalka xasaasiyadda laguma dhiirigelinayo in la siiyo carruurta da’doodu ka hoosayso 5 sannadood. Waxaa kale oo aan lagula talin dadka qaba xiiqda aan gacan ku haynta lahayn, xanuun khatar ah oo wadnaha iyo garkiisa ahi hayaan ama kansar qaba. Daaweyntu ma aha in ay u bilaabanto qofka oo uur leh. Marka baadhitaan qotodheer oo dhakhtar takhakhus leh uu sameeyo, la qaado tijaabooyin xasaasiyadeed, la eego qofka sanbabadiisu sida ay u shaqaynayaan ayuun baa loo bilaabi karaa talaalka xasaasiyadda. Dhakhtarka takhakhuska waxaa qofka u gudbin kara dhakhtarkiisa joogtada ah.
Xagee laga heli karaa daaweynta tallaalka?
Talaalka xasaasiyadda waxa wanaagsan in ay sameeyaan dad ku takhakhusay daaweynta maqaarka hoostiisa, dhegaha-sanka-cunaha iyo dhakhaatiirta carruurta oo haysta aqoon gaar ah oo ku saabsan xasaasiyadda (allergologisk). Sababta sidan loogu dhigay arrintuna in daaweynta noocani ay keeni karto khatar wax yeello, siiba xilliga bilawga.
Kharashka ku baxaya talaalka waxaa soo celinaya caymiska dadweynaha (folketrygden) iyada oo la adeegsanayo xeerka xaashiyaha daawooyinka buluugga ah (blåreseptforskriftene). Laga bilaabo 1. Julay 2003 waxaa la sameeyey qiimo u gaar ah talaalka xasaasiyadda oo la isu soo celiyo.
Khatarta waxyeelada talaalkan
Talaalka xasaasiyadda waxaa la xidhiidha khatar yar oo ku saabsan dhibaatooyin uu keeni karo. Waxay noqon karaan sanka oo qofka xidhma, indhaha iyo cunaha oo cuncuna. Mararka qaarkoodna waxaa dhici karta neefta oo si khatar ah ama nolosha wax yeeli karta u qabata qofka ama shoog xasaasiyadeed. Tani waxay dhici kartaa bilawga siiba marka qofka irbada lagu mudo. Sidaa daraadeed waa in goobta talaalka laga qaadanayo ay ahaato meel gaar ah oo laga heli karo gargaar degdeg ah haddii ay talaalka dhibaato khatar ahi ka timaado. Maalinta iyo habeenka ugu horeeya ee talaalka qofka marka la siiyo waxaa ku dhici kara waxyaabo ay ka mid yihiin barar meelo kooban oo maqaarka ka mid ah.
Maxay tartaa daaweynta noocan ahi?
Waxaa la xaqiijiyey in talaalka xasaasiyadu uu yahay nooc daaweyn oo wax ka tara isla markaana yareeya xasaasiyadda marka la barbar dhigo noocyada kale ee daaweyneed. Marka qofka la siiyo wuxuu haynayaa muddo ugu yaraantii ah 6 sannadood ah. Dadka qaarkood kuma sameeyo wax isbedel ah, suurtogalna ma aha in la sii sheego dadka uu talaalka noocan oo kale ahi wax u tari karo.
Talaalka xasaasiyaddu waa mid wakhti iyo kharash badani ku baxo. Khatarta waxyeelo ee uu keeni karo, iyo in aanu dadka oo dhan wax u tari karin waa in laga sii tashadaa ka hor inta aan la dooran daaweyntan.
Horumar laga samaynaya soo saarida noocyo cusub oo talaal nooca “immunterapi” ah ayaa nasiib wanaag keeni doona daaweyn natiijo fiican oo la isku halayn karo leh.(eeg qaybta hoose)
→ Tirokoobyo sugan: Baadhitaano ayaa sheegaya in 26,8 % dadka reer Norway ay hayso xiiq ama xasaasiyad. Waxaa jira ku dhawaad 900 000 reer Norway ah oo xasaasiyadda manka (Pollenallergi) qaba, 300 000 oo ka mid ah si aad ah ayay dhib ugu haysaa. Norway waxaa ilaa iyo 1999 la siiyey talaalka xasaasiyadda dad qiyaas ahaantii gaadhaya 1 400. Aad bay uga hooseysaa marka la barbar dhigo waddamada kale ee Iskandaneefiyanka.
Noocyadda daaweynta xasaasiyadda ee mustaqbalka:
Talaalka xasaasiyadda oo nooc kiniin ah, looguna talogalay xasaasiyadda laga qaado dooga (gresspollenallergi) ayaa waxay Norway kaga jirtaa tijaabo. Walxaha xasaasiyadda keena ayaa waxaa loo bedelaa kiniin, taasu waxay keenaysaa in qayb badan oo ka mid ah daaweynta in lagu samayn karo guriga, isla markaana laga maarmi karo in dhakhtarka marar badan loo tago. Lagama hordhici karo oo lama sheegi karo in kiniinkani uu daaweyn in badan qofka wax u taraysa u noqonayo iyo in uu noqon doono mid muddo gaaban oo keli ah wax ka tara xasaasiyadda nooca laga qaado doogga (gresspollen)
Waxaa kale oo la sameeyey noocyo kale oo hab difaac oo la isku dayey in walxaha kiciya la bedelo oo laga sameeyo kuwa uu ka samaysanyahay talaalka xasaasiyaddu (allergivaksinasjon).
Walxaha keena xasaasiyadda waxaa loogu yeedhaa ”IgE”. Hab cusub oo ah irbado (anti-IgE) waa la tijaabiyey. Daraasado la sameeyey waxay tuseen natiijooyin fiican oo astaamo gaar ah leh. Anti-IgE waa laga heli karaa Norway.