logo for printversjon
Foto: colourbox.com

Mudan in wax laga ogaado CAARO (midd)

Dato publisert: 2007/05/01 Sist oppdatert: 2007/07/03nb

Waa maxay caaradu?

Caarado waa cayayaan yar oo cabbirka dhererkeedu le’eg yahay 0,2 ilaa 0,3 mm. Waxa ay leedahay 8 lugood, waxana ay isku dir yihiin kutaanta iyo caaro weynta. Marka laga reebo iyada oo dadka ku kicisa xasaasiyad, ma laha wax turxaan ah oo kale oo ay dadka u geysato. Waxba ma qaniinto, mana fidiso xanuunada la is qaadsiiyo. Waxa ay quudataa toxobta dadka iyo xayawaanka, qaar ka mid ahina waxa ay quutaan dhaska daqiiqda. Caaradu waxa ay noolaataa midkiiba hal bil keliya, laakiin caarada dheddig ayaa halkii mar dhigta 20-30 beed ah (ukunood), arrintan oo keenta in ay dhashaan guuto dhan oo caaro ah haddii deegaanku u fiican yahay oo ku habboon yahay. Norway waxa ay caaradu ugu badan tahay inta u dhexaysa november – February, waana xilliga aynu wakhtiga intiisa ugu badan ku qaadano guriga dhexdiisa. Marka laga reebo xayawaan ku haysashada guriga, caaradu waa waxa ugu badan ee keena xasaasiyadda xilliga ka baxsan xilli maneenda (pollen sesongen).

Yay ku dhacdaa xasaasiyadda caarada ka dhalataa?

Xasaasiyadda caaradu waxa ay inta badan ku dhacdaa dadka (gaar ahaan carruurta) iyagu leh xanuunada loo yaqaano ”atopisk sykdom”, ama qoyska cid ka mid ahiba leedahay (canbaar, sanboor, xiiqda xasaasiyadda wadata).

Xaggee laga helaa caarada?

Caaradu waxa ay joogtaa oo ka heshaa meesha ay ka helayso cunto ku habboon, heerkul ku habboon iyo ruduubad sarraysa (50 -80 %). Dadka oo dhan waxa gogosha kaga hadha toxob badan oo jidhkooda ka daadatay oo cunto u noqon karta kumanaan caaro ah jiilal kala dambeeya. Sidaa darteed ayaa caaro badan laga helaa qolka hurdada, inta ugu badanina waxa ay gashaa dharka gogosha, furaashyada iyo sariirta gunteeda. Caaradu marka ay is dhalayso waxa ay ku noqotaa furaashka iyo sareerta gunteeda, halkaas oo ay kaga tagto ukun badan. Waxa kale oo ay aad u jeceshahay qadiifadaha ku goglan qolka hurdada.

Tilmaamahee lagu gartaa xasaasiyadda caarada ka dhalata?

Xasaasiyadani waxa ay inta badan qofka ku dhalisaa xiiq iyo/ama dhibaatooyin kale oo xoog leh oo ay weheliso san xidhan iyo duuf sanka ka socda. Xasaasiyadda indhaha iyo qaybo ka mid ah cambaarta maqaarka ee loo yaqaano (atopisk eksem) ayaa ka sii dari kara haddii uu qofku la kulmo caarada ka dhalata dhaska guriga. Carruurta ayaa ugu daran. Haddii ay xasaasiyadani qofka ku xoogaysato, waxa ay dhibaato soo gaadhaysa xuubka xabka (slimhinnen) ee indhaha iyo sanka iyo weliba dhuumaha hawomareenka iyo shacabaleyda ”bronkie”. Markaa qofku wuu u debcayaa, xasaasiyaduna way ku kacaysaa mar kasta oo uu dareemo dhas iyo ur.

Sidee lagu gartaa xasaasiyaddan?

Nooca xasaasiyaddan mar walba laguma helo astaamaha iyo taariikhda xanuunka. Haddii ay dad badan isku arkaan astaamaha habeenkii, waxa ay sababtu noqon kartaa waxyaalo kala duwan. Waxa loo raacaa helitaanka xasaasiyadan tijaabooyinka baadhitaanka (allergitest) si loo ogaado in xasaasiyadani ay tahay nooca ka kaca caaro-yaryarta. Waxa inta badan loo adeegsadaa daawooyin laga soo diyaariyey labada nooc ee ugu badan ee keena xasaasiyaddan (Dermatophagoides pteronyssinus iyo D.farinae). Xasaasiyadda ka kacda dhaska caaro guriyeedka waxa lagu ogaadaa iyada oo jidhka (maqaarka) laga qaado tijaabo ama qofka tijaabo dhiig laga qaado oo loo diro shaybaarka. Natiijada tijaabadani waa mid la hubo oo lagu kalsoonaan karo. Tijaabooyinkan looma adeegsan karo in lagu baadho halista xasaasiyadeed ee mustaqbalka, waxa keliya ee ay jawaab ka bixiyaan xaaladda xasaasiyadeed ee qofku markaa ku sugan yahay.

Xaggee ku dhalataa caaradani:

Xasaasiyadda caaradu waa dhibaato caafimaad oo caalami ah. Baadhitaan laga sameeyey waddamo badan ayaa caddeynaya in caarada dhaska gurigu ay tahay sabab ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee guriga ee dhaliya xasaasiyadda. Ilaa hadda waxa jira baadhitaano aqooneed oo tiro yar oo lagu ogaan karo arrimaha ku saabsan xasaasiyadda ka dhalata caarada dhaska guryaha ee Norway.

Hawlgalada ka hortagga xasaasiyada ka dhalata caarada:

Haddii la xaqiijiyo in qof qabo xasaasiyad kaga kacda caarada, waxa ay arrinta ugu muhiimsan ee lagaga gaashaaman karo xasaasiyaddani noqonaysaa in deegaanka qofku ku nool yahay laga yareeyo caarada. Inta ugu badan way adag tahay guri laga wada cidhib tiro caaro. Habka ugu fiican ee caarada guriga looga yarayn karaa waa iyada oo la kordhiyo hawo soo gelinta guriga, la yareeyo dhaska guriga ku jira (arrintan waxa lagu fulin karaa iyada oo derbiga aan la qabadsiin qadiifadaha, sariiraha iyo qalabka kale) isla markaana la adeegsado huufar casri ah oo leh farsamada ”HEPA” ama ”mikrofilter”.

Kulaylka sarreeya iyo qabowga xoogga leh ayaa dila caarada. Maalmaha uu jiro qabowga xoogga leh (-15 ilaa -20 ºC), ayaa furaashyada lagu wadhi karaa meel debed ah hal maalin iyo habeenkeed, isla markaana la hurgufayaa inta aan la soo xeraynin. Caaradu sidoo kale uma adkaysato haddii gogosha lagu maydho 60 ºC.

Waxa sariirta lagu goglaa gal gaar ah oo loo yaqaano galka caarada, waana hab sariirta looga ilaalin karo walxaha ”allergener”ka. Galka caaradu waxa uu gogosha ka ilaalinayaa caarada, laakiin dhidhidka qofka ayaa ka dhex dusaya go’a . Furaashka, barkinta iyo bustaha waxa lagu goglayaa galka shabaqa ah ee caarada, galka dushiisana waxa la gelinayaa gogol sariireed oo caadi ah.

Cudbi ama dun aan dabiici ahayn?

Dadka xasaasiyadda qabaa waxa ay tijaabin karaan go’ adag oo aan khafiif ahayn, bustaha iyo gal-barkimeedka loogu talagalay dadka xasaasiyadda ku leh caaradu waxa ay khafiifinayaan xanuunkii. Lasqadaha cubdiga ka samaysani waa lasqado si adag oo cufan loo sameeyey, sidaa darteedna waa kuwo caarada celin kara.

 In gogoshu ay iska xejinayso in lagu maydho heer kulka 60 ºC ayaa ka muhiimsan in ay ka samaysan tahay cudbi ama dun aan dabiici ahayn.

U celinta kharashka galka caarada:

Carruurta da’adoodu ka yar tahay 16 sano ee ay sugan tahay in ay xasaasiyad ku leeyihiin caarada, waxa la siin karaa kaalmo hal mar ah oo ay iskaga daboolaan kharaska kaga baxa soo gadashada galalka celiya caarada ee furaashka iyo barkimada. Kharashka galka furaashka si buuxda ayaa loo dabooli karaa qiimaha ku siman ilaa 1250,-kr. oo ay ku jirto cashuurta dowladda ee ”mums” ku, galka barkimada isna waxa la dabooli karaa qiimo ku siman 250,-kr. Galalkani waa in ay noqdaan kuwo ay aqoonsadeen Ururka Xiiqda iyo Xasaasiyadda ee Norway ”Norges Astma- og Allergiforbund”. Ilaa hadda waxa la aqoonsan yahay oo keliya galalka ay samayso Shirkadda ”Sleep Scandinavia, tel. 67 11 03 17 oo ay dadka kula taliso NAAF, iyo galka ay samayso shirkadda ”NorMed As”, tel. 67 98 01 00. Galalka waxa toos looga dalban karaa shirkadaha iibiya. Galalkan waa in uu kuu qoraa qof takhasus u leh arrintani, isla markaana waa in aad adigu iska sii bixisaa marka hore. Caddaynta in uu qofku xasaasiyad ku leeyahay caarada, iyo rasiidhkii lagu iibsaday galalka waa in loo geeyaa xafiiska caymiska dadweynaha (trygdekontoret) si uu kuugu soo celiyo. Waxyaalaha lagula dagaalamo caarada ka dhalata dhaska guriga natiijadiisu aad ayay u raagtaa oo hore raad uma samayso (weliba 100 % looguma guulaysto). Arrintu si kastaba ha ahaatee waa in aan lagu fekerin in hawlgallada ka hortagga xasaasiyadda caarada lagu bedelan karo daawo la qaato iyo in hawlgalladan lagu lammaaneeyo daawo la qaato.

Daaweynta xasaasiyadda caarada:

Waxa muhiim ah la dhaqan geliyo hawlgallo lagu yaraynayo fursadaha koritaanka iyo taranta caarada.

Waxa intaa dheer oo inta badan loo baahdaa daawooyin ka hortag iyo kuwo la iskaga khafiifiyo xanuunka ka dhasha xasaasiyaddan. Doorashada daawada iyo sida loo isticmaalayo waa in la waafajiyaa awoodda qofka isticmaalaya, waxana go’aaminaya dhakhtarka.

Daawadu waxa ay si fiican u caawisaa dadka qaba xasaasiyadda dhaska guryaha. Haddii uu qofku ka hawlgeli waayo ka hortagga xasaasiyadda dhaska guryaha, waxa uu halis u noqon karaa in ay xasaasiyaddu ku xumaato oo ay markaa daawadu ugu dambayn caawin weydo.

Talooyin fiican oo ku jihaysan xasaasiyadda caarada:

  • Iska jir in aad kiimiko u adeegsato la dagaalanka caarada.
  • Gogosha hurdada bedel toddobaad walba.
  • Guriga si fiican u laydhi. Heerkulka qolalka hurdadu waxa habboon in ay ka hooseeyaan 18 ºC.
  • Iska jir waxyaalaha dhaska qabta sida caruusadaha carruurtu ku dheesho, kabadhada albaabkoodu furan yahay, qadiifadaha cufka leh iyo wixii la mid ah.
  • Waxa fiican sariirta lagu daayo bilaa gogol waxoogaa saacado ah si ay hawo u qaataan furaashka iyo dharka gogoshu.
  • Haddii lagu ilaaliyo ruduubada hawada in ka yar 40 % RF saddex bilood oo ka mid ah xilliga jiilaalka, caaradu way dhimanaysaa.
  • Ha isticmaalin marawaxadaha iyo waxyaalaha la midka ah ee dhaska kiciya.
nb