logo for printversjon
Foto: colourbox.com

Mudan in wax laga ogaado XASAASIYADA DHEECAANKA CINJIRKA (lateksallergi)

Dato publisert: 2007/05/01 Sist oppdatert: 2007/07/03nb

Waa maxay dheecaanka cinjirku (lateks)

Dheecaanka cinjirku (lateks) waa dheecaanka ka soo baxa cinjirka oo dib u warshadeyn lagu sameeyey laguna daray waxoogaa ah walxo kiimikaad si looga dhigo sida laga rabo. Dheecaanka cinjirku waa dheecaan-caaneed ka soo baxa jirridda ama dusha sare geedka si la mid ah sida dheecaanka dhirta “løvetann”, “svaleurt” iyo “ julestjerne”. Dheecaanka cinjirka waxa laga sameeyaa cinjirka ceedhin (kautsjuk). Erayga “lateks” waxa uu macnihiisu yahay cinjir dabiici ah.

Dheecaankan cinjirku waxa uu ku jiraa alaabooyin badan oo nolol maalmeedka loo isticmaalo iyo qalabka loo adeegsado daaweynta sida kuwa ay ka midka yihiin;  buufimooyinka (biibiile), xadhkaha kala baxa ee carruurtu ku boodbooddo, abu-cumarada, kabaha, kabaha roobka, salliyada dabbaasha, taayirada baabuurta iyo baaskiiladaha, galoofisyada weelka lagu dhaqo, masaasadaha, qalabka badquusayaasha, lasqadaha dharka ( elastikk), qalabka suuxinta, qasabadaha, irbadaha muditaanka, furarka dhalooyinka, maskaraatiga madaxa ee daawooyinka lagu neefsado lagu qaato kateetarada kaadida iwm.

Waxa mudan in la siiyo digtoonaansho gaar ah cinjirrada galmada iyo caagga haweenka minka lagaga xidho si aanay uur u qaadin (pessar). Xasaasiyadda dheecaanka cinjirku waxa ay halkan keeni kartaa dhibaato aad u weyn, waxana ay waxyeello u geysan kartaa nolol-galmeedka qoyska. “Durex” ayaa samaysa cinjir galmo oo la hubo in aanu ku jirin dheecaanka cinjirku: cinjirka galmada ee “Avanti”. Waxyaalaha la warshadeeyo ee la isku dardaro sida rinjiga loo yaqaano “lateksmalin” iyaga kuma jiro cinjir dabeeci ahi.

Astaamaha xasaasiyadda cinjirka:

Astaamuhu waxa ay noqon karaan kuwo ku soo bood ah oo ay is diidaan difaaca jidhka ee maaddada ”IgE”, ama waxa ay noqon karaan kuwo ka dhashay falcelin xasaasiyadeed oo daahday oo ah kuwa loo yaqaan cambaarta taabashada (kontakteksem).

Cambaarta ay astaamaheedu yihiin nabaro cascas oo bararsan iyo cuncun jidhka ah ayaa  ka mid ah astaamaha lagu garto xasaasiyadda cinjirka. Waxa kale oo ay xasaasiyadani yeelan kartaa finan biyo galeen iyo jidhka oo qarqarxa. Dhibaato dhinaca hawomareenka sida cuncun sanka iyo indhaha ah iyo xiiq ayaa iyana xasaasiyadda noocan ah u caadi ah oo lagu gartaa

Xasaasiyadan waxa kale oo ay is diidaan brotinka ku jira furutada meelaha fogfog laga keeno, waxana ka dhalan kara hafeefad agagaarka afka (cuncun iyo barar afka, sanka, dibnaha iyo cunaha ah). Muuska, avokatada iyo ”kiwi”ga ayaa ah sababaha soo ugu waaweyn ee kiciya. 30 -80 % ka mid ah dadka xasaasiyadda ku leh cinjirka ayay ku soo baxaan astaamihii xasaasiyaddu marka ay cunaan mid ama dhowr ka mid ah cuntooyinkan. Xasaasiyadda cinjirka waxa kale oo kicin kara geedka loo yaqaanno ”Sevje” iyo dheecaanka caleemaha iyo boodhka ka soo baxa geedka ”bjørk”. Waa brotinka ku jira cinjirka ka ay is diidayaan cuntooyinka kor ku xusan. Xasaasiyadda cinjirku waxa ay dadka dareenkoodu kacsan yahay ku keeni kartaa xanuun halis ah (allergiske sjokk).

Yaa qaada xasaasiyadda cinjirka?

Sannado yar ka hor xasaasiyadda noocan ahi waxa keliya ee ay ku dhici jirtay carruurta dhalatay markaa ee ka nuugay dheecaankii dhirta, gaar ahaan waddanka indonesia.

Ka dibna waxa lagu arkay xasaasiyaddan carruur la qalay oo muddo ka ag dhowaa dhakhaatiirtii qalliinka iyo galoofisyadoodii cinjirka ahaa. Markii la ogaaday fayraska ”HIV” ka ayaa waxa xoog u batay isticmaalkii galoofisyada cinjirka ah, arrintan oo keentay in dad badani, gaar ahaan shaqaalaha caafimaadku ay qaadaan xasaasiyaddan.

Dadka ah shaqaalaha caafimaadka ee uu ku dhaco xanuunkani qiyaastii waa 7 %. Isticmaalka galoofisyada cinjirka ah ee kooxdani isticmaasho oo kordhay 10 -15 kii sano ee ugu dambeeyey ayaa la filayaa in ay la korodho xasaasiyaduna. Shaqaalaha nadaafadda iyo dhakhtarada ilkaha iyana waa koox halis u ah xasaasiyadan.

Daaweynta xasaasiyadda cinjirka:

Haddii qofka laga helo in uu xasaasiyad ku leeyahay cinjirka, waa in aanu u dhowaan wax cinjir ku jiro oo ay xasaasiyaddu kaga kici karto.

Shoogga xasaasiyaddu keento (anafylaksi) waxa uu inta ugu badan ka bilaabmaa astaamaha caadiga ah ee qofka xasaasiyadda lehi arko. Waxa uu qofka u qabtaa si tartiib tartiib ah ama si kedis ah waxana uu noqon karaa mid khatar ku ah nafta. Dadka qaba xasaasiyadda xun ee looga baqayo in uu ku yimaaddo shoog-xasaasiyeedku (allergisk sjokk), waxa fiican in ay haystaan irbadda ”adrenalin (EpiPen) oo uu isticmaalo marka ugu horraysa ee uu isku arko astaamaha. Baabuurka caafimaadka waa in isla markiiba loo yeedhaa. Tallaalka xasaasiyadda (hyposensibilisering) ma aha hab-daaweyneed ku habboon xasaasiyadda cinjirka.

Sidee loo helaa xanuunkan?

Iska baadhidda xasaasiyadda cinjirka waxa marka hore lagu sameeyaa dhakhtarada jidhka (maqaarka) iyo dhakhtarada carruurta. Baadhitaanka taariikhda xanuunku waa muhiim. Tijaabada jeexjeexa hubinta xasaasiyaddu (prikktesting) ama qayb ka mid ah galoofis cinjir ah oo kilinkillada hoosteeda la geliyo si loo eego in jidhku diidaa waa habab loo hubin karo nooca xasaasiyadda. Dhiig qofka laga qaado ay weheliso hubin nooc gaar ah oo ”IgE” ah ayaa iyana faa’iido ku jirtaa iyada oo ay wehiso tijaabo jidhka ahi.

Ka hortagga xasaasiyadda

Haddii ay qofka ku dhacdo xasaasiyadi waxa keliya ee la daaweyn karaa waa astaamaha, laakiin xasaasiyadda lafteeda lama bogsiin karo. Sida ugu fiicani waa in laga hortago in oo marka la iska ilaaliyo. Alaabo badan oo uu cinjir ku jiro ayaa lagu bedeli karaa kuwo uu ku jiro ”vinyl” oo ah nooc kale oo balastig ah oo aan ka samaysnayn cinjirka xasaasiyadda dhaliya. Alaabooyinka ay ku taallo calaamadda ”hypoallergen” ama waxyaalaha la midka ahi, lama hubo in ay ku yar tahay xasaasiyadda cinjirku oo ay kaga yar tahay kuwa aan calaamaddaasi ku oollin.

Galoofisyadu waxa fiican in ay ahaadaan kuwo aanu ku jirin bootar (boolbaro), oo ay ku yar yihiin waxyaalaha keena xasaasiyadda/borotiinada iyo walxaha uu cinjirku ku jiro. Waxa la soo caddeeyey in marka loo wareego galoofisyadan, ay kala dheeraanayso xilliyada ay xasaasiyaddu qofka ku kacaysaa, oo markaana qofkii xasaasiyadda fudud qabay uu iska sii wadan karo goobtiisii shaqada. Arrintani waxa kale oo ay waxtar u leedahay dadka xanuunsanaya. Waxa habboon in shuruud looga dhigo dadka laga iibsado galoofisyada in ay galoofisyadu noqdaan qaar aanu ku jirin bootar oo ay caddeeyaan in alaabtu ay buuxinayso shuruudaha.

nb