Waa maxay ”nikkel” ku?
”Nikkel” waa curiye bir ah oo marka aan wax kale lagu darin leh midab rasaasi ah oo dhalaalaya oo lagu isticmaalo isku dhalaalinta macdano badan. Waxana uu ka mid yahay macdanaha ugu badan ee aynu ku isticmaalo nolol maalmeedkeena.
Waa maxay xasaasiyadda ”nikkel”ku?
Xasaasiyadda ”Nikkel”ku waa nooc ka mid ah xasaasiyadda laga qaado taabashada, iyada oo ay cambaari ku dhacayso qofku marka uu taabto wax uu ku jiro curiyaha ”Nikkel”ku.
Yaa qaada xasaasiyadda ”nikkel”ka?
Haweenka qaada xasaasiyadda ”Nikkel”ka ayaa ka badan ragga qaada. Arrintan waxa u sabab ah haweenku waxa ay dalooshadaa dhegaha, qaar ka mid ahina waxa ay dalooliyaan sanka, xirribaha iyo dibnaha oo ay macdan ku xidhaan. Curiyahan ”Nikkel” haddii uu markaa ku jiro macdanahan waxa uu dhex gelayaa jidhka waxana uu u gudbayaa dhiigga oo uu markaa jidhka ku abuurayo xasaasiyad. Taa macnaheedu waxa weeye jidhka ayaa xasaasiyad ka qaadaya curiyahan, markasta oo uu jidhku taabto wax ay ku jirtana waxa ku dhalanaysa cambaar xasaasiyeed saacado gudaheen. Hadda ragga ay xasaasiyadda noocan ahi ku dhacdaa way sii kordhaysaa tiradoodu. Sababtuna waxa weeye in ay raggu hadda si ka badan sidii hore u qaataan macdanta dhegaha lagu xidho iyo silisyada qoorta. Xasaasiyaddani waxa kale oo ay dhalisaa cambaar gacmeedda, waayo gacantu waxa ay si joogta ah u taabataa waxyaalo badan oo uu ku jiro ”Nikkel” sida qasabadaha biyaha, qasnadaha albaabada (kuwa ka samaysan bir daxalowda), lacagta qadaadiicda ah iwm.
Halkee laga helaa ”nikkel”ka?.
”Nikkel”ka waxa si gaar ah looga helaa waxyaalaha la isku qurxiyo ee aan asalka ahayn, qalabka birtu ku jirto sida alaabta jikada, qasnadaha albaabada, siibadaha (shinyeeriga), biinanka timaha, irbadaha, maxaadhada tolmada, maqasyada, fareenada muraayadaha indhaha, badhamada, lacagta macdanta ah (qadaadiicda) iwm. ”Nikkel”ka waxa laga heli karaa dahabka cadcad, ”balaatin” ka, iyo waxyaalaha la isku qurxiyo ee debeda laga keeno ee leh didabka dahabiga huruudda iyo rasaasiga ah. Macdantan waxa kale oo laga heli karaa waxyaalaha dharka lagu caddeeyo, kuwa timada midabka lagaga bedelo iyo cuntooyinka qaar. Cuntooyinka uu ku badan yahay curiyaha ”Nikkel”ku waa Shukulaatada madow, khudaarta midhaha ah, ”valnøtter”, iniinta gabbaldayaha iwm. Cuntooyinka noocan ahi waxa ay ku sii kordhin karaan canbaarta dadka qaba xasaasiyadda ”Nikkel”ka ee xoogga leh, laakiin marmar aad u dhif ah ayuun bay dhacdaa arrintani. Inta ugu badan qasabadaha biyaha iyo saxamada biyuhu waxa ay ka samaysan yihiin macdan-bireedyo aan dalaxaysan oo aan markaa laga qaadin xasaasiyadda ”Nikkel”ka.
Astaamehee lagu gartaa xasaasiyadda ”nikkel”ka?
Haddii ay qofka marka hore ku dhacdo xasaasiyadda taabashada ”Nikkel”ku, waxa ay canbaar-xasaasiyeedku kaga dhici kartaa meel kasta oo jidhkiisa ka mid ah haddii uu taabto wax uu ku jiro curiyaha ”Nikkel”ku.
Canbaar-xasaasiyeeddani marka ay qofka ku cusub tahay ama ay markaa ku soo kacday waxa ay jidhka ku samaysaa finan cascas oo dheecaan leh iyo barar. Haddii se canbaartu ay muddo jidhka ku taallay, waxa ay meeshu noqotaa mid qallalan oo dildillaac ka muuqdo. Waxa kale oo markaa caadi ah cuncun xoog leh.
Sidee lagu helaa xasaasiyadda ”nikkel”ka?
Waxa qofka loo diraa dhakhtarka takhasuska jidhka si uu uga qaado tijaabada loo yaqaan "lappetest". Tijaabada noocan ah waxa loo sameeyaa iyada oo qofka dhabarka lagaga dhejiyo balastar ay ku jiraan inta ugu badan waxyaalaha keena xasaasiyadda. Marka uu balastarku qofka ku xidhnaado 48 saacadood, ayaa laga fujinayaa. Maalin ama laba maalmood ka dib ayuu dhakhtarka jidhku eegayaa. Haddii uu qofku markaa qabo xasaasiyadda ”nikkel”ka, waxa lagu arkayaa meeshii tijaabada xasaasiyadda ”Nikkel”ka lagu sameeyey canbaar-xasaasiyeed weyn oo ballac le’eg hal karoon.
Sida ay dadka ugu dhacdo xasaasiyadda ”nikkel”ku:
Waxa lagu qiyaasaa in 10 % bulshada Norway ay qabaan xasaasiyadda ”nikkel”ka. Haddii ay xasaasiyaddani qofka mar ku dhacdo kama tagto weligeed, laakiin waxa kala duwanaada hadba sida ay qofka u qabato.
Hawgal/talooyin fiican qofka qaba xasaasiyadda ”nikkel”ka:
- Dahabka huruudda ah kuma jiro curiyaha ”nikkel”ku. Macdanta qalinka iyana sida caadiga ah kuma jiro curiyaha ”nikkel”ku.
- ”Nikkel” ka way ku adag tahay in uu dhex galo jidhka qallalan ee ishaysta. Sidaa darteed ku dadaal in aad gacmaha qallajiso mar kasta.
- Haddii aad gashanayso wax uu ku jiro ”nikkel” sida waxyaalaha la isku qurxiyo/fargashiyo/saacado/qadhabida suunka, waxa fiican in aad mariso dhowr lakab oo rinjiga xamuurada cidiyaha khafiifka ah si jidhka looga ilaaliyo in ay istaabtaan birta.
- Marka aad iibsanayso waxyaalaha la isku qurxiyo weydiiso ballanqaad in aanu ku jirin curiyaha ”nikkel”ku.
Daaweynta xasaasiyadda ”nikkel”ka:
Ka fogow waxyaalaha kiciya xasaasiyaddan. Haddii aan laga fogaan waxyaalaha uu ku jiro ”nikkel”ku, wuu yaraanayaa waxtarka hab-daaweyneedyada kale. Si joogto ah u isticmaal kiriimka dufanka leh. Jidhku dhakhso ayuu u qallalayaa. Kiriimka ”kortison” ka ayaa noqonaya lagama maarmaan in la isticmaalo muddooyinka qaar. Daqiiqado yar ka dib marka aad isticmaasho kiriimka ”kortison”ka, ka daba mari kiriimka duxda leh ee caadiga ah. Haddii uu qofku sii wado isticmaalka waxyaalo uu ku jiro ”nikkel” oo aanu jidhkiisu xammil u lahayn, waxa dhici karta in canbaar-xasaasiyeedku ay ku fiddo qaybo kale oo jidhka ka mid ah oo aan ahayn meelihii taabtay ”nikkel”ka.