Waa maxay xasaasiyadda xayawaanku?
Badanka xayawaanka dhogorta leh, isla markaana kuwa la korsado ee caadiga ah ayaa waxay keeni karaan dareen diidmo oo xasaasiyadeed. Maaha oo keliya timaha ay dhogortu ugu wacan tahay, ee iyaguna waxaa ku jira waxyaabaha xasaasiyadda kiciya ee loo yaqaano ”allergener” ee xayawaanka qanjidhadiisa iyo kaadidiisa la socda.. Waa wax yaryar oo hawadu qaadi karto iskuna dhex qasa hawada wasakhda ku jirta. Haddii markaa hawada qofku uu nuugo oo ay jidhkiisa gasho, waxaa dhici karta in uu jidhkiisu qofkaa bixiyo dareen diidmo oo xasaasiyadeed. Dhaska ka soo duula fardaha, eyda iyo bisaduhu waxay wataan 10–20 kala duwan oo ah noocyo keena xasaasiyadda.
Yay ku dhici kartaa xasaasiyadda xayawaanku?
Cidda ay ku dhacdo xasaasiyadda xayawaanku waxay ku xidhantahay waxyaalo la xidhiidha hiddaha. Hadii qoyska qofku ka soo jeedaa uu yahay qoys xasaasiyada caado u leh, waxaa dhici karta in qofku isaguna uu xasaasiyad ku yeesho xayawaanka la korsado ee uu soo xaraysto. Haddii hooyadu leedahay tusaale ahaan xasaasiyadda bisadaha, waxaa dhici karta in khatar uu ilmaheeduna ugu jiro in uu isna ku yeesho xasaasiyad xayawaanka nooca dhogorta leh. Haddii labada waalidba ay xasaasiyad leeyihiin, isla markaana ay isku wax xasaasiyad ku leeyihiin, khatarta ilmuhu ugu jiro in ay xasaasiyaddu ku dhacdaa waxay u dhawaanaysaa 80 %.
Khatarta ah in qof uu yeesho xasaasiyadda ay xayawaanku kiciyaan waxay ku badantahay carruurta. Xasaasiyadda xayawaanku waxay ku badantahay dadka xiiqda qaba, waxaanay la barbar socotaa xasaasiyadda cayayaanka. Haddii ilmaha aanu ku soo bixin raad xasaasiyadeed inta da’diisu ay gaadhayso 12-14 jir, fursada ah in xasaasiyaddi ku dhacdaa way yar tahay. Dadka waaweyn laftigoodu way qaadi karaan xasaasiyadda xayawaanku kiciyo.
Waxaa adkaan karta in qofka la sii ogaado nooca xayawaanka ka midka ah ee uu xasaasiyadda ku leeyahay. Si qofku uu xasaasiyad u yeesho, waa in marka hore uu xidhiidh la sameeyaa walxaha xasaasiyadda ku kiciya. Wakhti ayay qaadan kartaa ilaa inta la arkayo astaamaha lagu garto ee sheega in xasaasiyadi qofka hayso. Ilaa beri dhaweyd waxaa loo malaynayey in xasaasiyadu ka timaado badanaaba walxaha xasaasiyadeed ee uu qofku ka ag dhow yahay inta badan, sidaa daraadeedna uu xidhiidh badan la sameeyo weliba kuwa guriga ku dhex jira. Markasta oo ay qiyaasta walxaha xasaasiyadda ee xayawaanka ku jiraa ay sii badataba, khatarta ah in uu qofku xasaasiyad qaado ayaa badanaysa.
Arrintu si kastaba ha ahaatee waxa ay cilmibaadhis la sameeyey muujisay in haddii qofku noloshiisa sannadaha hore uu la sameeyo walxaha xasaasiyada kiciya ay keeni karto in uu qofku hab difaac jidhkiisu ka samaysto. Laakiin arrintan warbixin waafi ah lagama hayo ilaa hadda.
Dareenka diidmo iyo xanuunka xasaasiyadda
Waxaa la kala saaraa waxa loogu yeedho dareenka diidmada oo keliya iyo xanuunka nooca xasaasiyadda. Dareenka diidmo ayaa waxaa loola jeedaa in qofku uu leeyahay wax diidsiinaya walxaha xasaasiyadda keena. Haddii tijaabo xasaasiyadeed qofka laga qaado waxaa soo baxaysa in uu (positive) yahay. Dareenkanu wuxuu noqon karaa mid aan sidaa u sii weyneyn oo aan xataa kicinayn wax calaamado ah haddii uu qofku taabto walxaha xasaasiyadda. Tusaale ahaan waxaa la xisaabiyey in inta u dhaxaysa 10-15 % dadka ka mid ahi ay dareen diidmo ku leeyihiin bisadaha (mukulaasha), laakiin dad sidaa u sii badan oo dareen diidmo oo xasaasiyadeed ka bixiyaa ma jiraan marka ay taabtaan bisad.
Xayawaankee xasaasiyadd kicin kara?
Badanka xayawaanka la korsado oo dhami waxay sidii hore loo soo sheegay noqon karaan qaar kiciya xasaasiyad iyada oo ay ku jiraan doofaarka yaryar, jiirka bilaa timaha ah, chinchilla, iyo eyda nooca timaha yar ee loo yaqaano ”kinesiske pudler”. Cayayaanka yar yar sida ee sida caarada, dirxiga kaneecada iyo baranbarada ayaa iyaguna ah qaar kicin kara xasaasiyad.
Fardaha iyo bisadaha ayaa ah kuwa walxaha xasaasiyadda ee ugu daran wata. Farasku wuu weyn yahay taasuna waxay keenaysaa in qiyaasta uu sii daynayaa ay badan tahay marka la barbar dhigo xayawaanka ka yaryar. Bisaduhu way ka dhaqdhaqaaq badan yihiin sidaa daraadeed waxay ku reebaysaa walxaha xasaasiyadda meelaha ay marto oo dhan. Eyda ayaa ah qaar dadka ka ag dhaw sidaa daraadeed waa kuwa ugu badan ee keena xasaasiyadda xayawaanka. Waxaa kala duwan nooca iyo qiyaasta ay eyda noocyadooda kala duwani bixiyaan, laakiin dhammaan waxaa ay sameeyaan walxaha xasaasiyadda- haddii ay yar yihiin, weyn yihiin, dhogortoodu badan tahay ama yar tahay.
Xayawaanada keli ah ee aan keenin xasaasiyadda isla markaana la korsado ayaa ah kaluunka badda, tusaale ahaan kaluunka, kuwa gurguurta sida diinka oo kale. Norway waxaa cunoqabateyni saaran tahay keenitaanka xayaawaanka gurguurta, laakiin hay’adda ilaalinta cuntada (Mattilsynet) ayaa waxay bixin kartaa ogolaansho lagu keensan karo haddii sababta loo keenayo laga dhigo in xasaasiyaddu ugu wacan tahay in tusaale ahaan la haysto diin. Weli waxaa saaran ogolaansho la’aan aan la ogolayn in lagu iibiyo diinka dukaanada xayawaanka ee Norway. Waxaa la soo bandhigay xayawaan kale oo loola jeeday in la korsan karo, tusaale ahaan manso cagooleyda oo kale. Laakiin way adag tahay in kuwan lagula taliyo qofku in uu u isticmaalo xayawaan haysasho oo kale, maxaa yeelay uma wanaagsana maqaarka jidhka iyo indhaha, waxaanay keeni karaan waxyaabo aan wanaagsanayn oo ay wataan oo ah oo ah jermis (parasitter).
Ogaanshaha
Si loo ogaado in qofku ku leeyahay xasaasiyad xayawaanka, waxaa laga qaadi kara dhiigag ama tijaabooyin dhibco ah. Haddii horeba loo sii ogyahay oo uu qofku xasaasiyad xayawaanka nooca tijaabada lagaga qaaday ku leeyahay, natiijadu waxay noqonaysaa mid (positive) ah. Maaha wax suurtogal ah in la sii ogaado in ilmo yari uu iska xejin karo xayawaan xayawaanada ka mid ah. Haddii tijaabada dhibcuhu (prikktest) ay waxba sheegi weydo, taasu uma noqon karto wax lagu sii garto sida dareenka mustaqbalku noqon doono.
Astaamaha iyo daaweyntooda
Dareemada diidmo ee caadiga ahi waa sanka oo xidhma isla markaana da’a, Indhaha oo da’a cuncuna yeesha iyo xiiq. Dadka qaarkii waxay isku arki karaan canbaar iyo ka soo bax. Qofka oo xasaasiyad bisada ku lihi waxay keentaa in uu khatar u yahay xiiqda nooca degdega ku timaada.
Meesha oo laga saaro xayawaanka qofka ku kicinaya xasaasiyadda ayaa ah sida ugu habboon ee ugu fiican ee qofka xasaasiyaddiisan wax loogaga qaban karo. In la isku dayo in xasaasiyadda xayawaanka lagaga hortago daaweynta noocyadda (kortison), ta sanka la iskaga buufiyo ama (antihistaminer) oo ah nooca kiniinka ama ta buufinta ayaa ah qaar aan fiicnayn. Ma aha xal fiican laakiin laga maarmaan ayay noqon kartaa haddii aanay suurtogal ahayn in uu qofku difaac ka samaysto walxaha xasaasiyadda ee xayawaanka.
Immunterapi ama talaalka xasaasiyadda oo ah in qofka lagu mudo walxaha xasaasiyadda ee bisadaha ama eyda ayaa noqon kara mid in muddo ah wax tari kara.(Eeg talaalka xasaasiyadda wax ka ogow).
Ka hor tag /difaac
Haddii qofka lagu sheego in uu xasaasiyad ku leeyahay xayawaanka dhogorta leh, talada ugu horeysa ee ka hortag ahaan loo siin karaa waa in uu iska daayo keensashada xayawaanka la korsado. Haddii uu qofku ka tirsan yahay kooxda khatarta ku jirta oo loola jeedo in qoyska qofka qaar ka mid ah lagu arkay xasaasiyad, waxaa wanaagsan qofkaasi in uu ka taxadiro keensashada ey ama bisad. Waxaa wanaagsan in la ilaaliyo nadaafada guriga si loo tirtiro walxaha xasaasiyadda ee xayawaanka ee ay keenaan timaha qofka iyo dharku.
Haddii uu qofku tusaale ahaan korsado bisad, taas oo ah mid leh walxaha xasaasiyada kiciya kuwa ugu dhegdhega badan ee ugu xun, isla markaana uu doorto qofku in uu gurigiisa ka kaxeeyo waxaa dhici karta in ay wax tarto. Maxaa yeelay bisadu waxay sii daysaa qiyaaso badan oo walxaha xasaasiyadda ah. Haddii guriga si caadi ah loo maydho waxay qaadanaysaa muddo12-16 toddobaad ah ilaa inta walxahan qiyaastoodu hoos u dhacayso oo ay ka hoosaynayso inta xasaasiyadu ku kacdo.Laakiin maydhitaan ka badan inta caadiga ah oo tusaale ahaan ay ka mid tahay in la qaado roogaga iyo alaabta guriga taal, isla markaana la dhaqo dhulka iyo gidaaradaba waxay keeni kartaa in si degdeg ah loo cidhibtiro walxaha xasaasiyadda keena.
Waxaa adag in laga fakado walxaha xasasiyadda kiciya ee ay wataan xayawaanka la korsadaa, maxaa yeelay waxaa timaha xayawaanku ku dhegaan dharka ay dadku xidhaan, sidaa daraadeed waxaa laga helayaa oo ay yaalaan dugsiyadda, xanaanooyinka carruurta iyo gaadiidka dadweynahaba.
Haddii ilmuhu uu leeyahay xasaasiyadda ay xayawaanku kiciyaan waxaa wanaagsan in macalimiinta xanaanada carruurta iyo kuwa dugsiguba waalidiinta carruurta kale u sheegaan in ay ilmahooda u soo xidhaan dhar aan wax xidhiidh ah la yeelan xayawaan. Waxaa kale oo iyaduna muhiim ah in dharka dibada loogu talagalay lagu soo bixiyo kadinka hore oo aan lala soo gelin gudaha fasalka. Waxaa kale oo fiican in bisaha iyo eyda si guud looga mamnuuco xanaanooyinka carruurta iyo dugsiyadaba.
U maydhitaanka bisada?
Dawooyin maydhitaan oo kala duwan oo la marinayo xayawaanka (PetalCleanse), siiba bisadaha ayaa waxaa loo soo bandhigay si looga maarmo xasaasiyadda ay xayawaanku keenaan.. Iyada oo dhogorta xayawaanka la marinayo dareere ayaa waxaa dhacaysa in la soo koobo walxaha xasaasiyadda oo isla markaana sidaa loo yareeyo.Qiyaasta walxaha keena xasaasiyadda ee dhogorta bisadda ku jira waxaa kale oo lagu yarayn karaa iyada oo maydhitaan caadi ah ama qubayn caadi ah loo sameeyo. Laakiin arintanu maaha mid lagu talinayo.. Marka ay ugu wanaagsan tahay ee arintanu wax qabato ayaa ah iyada oo si ku meelgaadh ah u yaraysa , waxaanay waxtar u noqon kartaa dadka xasaasiyadda aan badnayn ku leh xayawaanka. Xataa haddii bisadda loo maydho waxaa dhaska guriga ku hadhaya walxihii xasaasiyadda ee bisadu kaga tagtay. Arrin kale oo jirta ayaa iyana ah in xayawaanka oo maydhitaanka lagu badiyaa ay noqon karto mid u dhawaan karta xadgudub loo gaysto.
Xayawaanku qofka ma ka difaaci karaa xiiqda/xasaasiyadda
Natiijooyin ka soo baxay daraasado cusub oo la sameeyey ayaa waxay sheegayaan in qofka inta uu yar yahay lagu soo ag koriyo xayawaan, (inta ka horeysa 18 bilood) ay keeni karto in qofkaas jidhkiisu uu sameeyo difaac uu iska difaacayo xiiqda iyo xasaasiyada. Natiijooyinka ayaa lagu kala micneeyey in uu qofku samaynayo la barasho uu la baranayo walxaha xasaasiyada ee xayawaanka, sidoo kale waxaa lagu micneeyey in xayawaanku ay keenaan bakteeriyo kala duduwan oo habka difaaaca jidhka adkeeya. Laakiin ilaa iyo hadda natiijooyinkani maaha qaar israacay. Waxaa loo baahan yahay cilmi baadhis kale oo lagu sameeyo arintan ka hor inta aan qof lagula talin soo qaadashada xayawaanka la korsado si ay taasi ugu noqoto ka hortag xiiq iyo xasaasiyadeed.
Haddii qofku mar hore uu yeeshay xasaasiyadda laga qaado eyda iyo bisadaha, ka hortaga ugu habboon ee uu sameyn karaa qofkaasi waxa weeye in uu iska daayo la xidhiidhka nooca xayawaankan. Haddii xayawaanka la karsado guriga la keenay ka hor inta aanu ilmuhu dhalan, laakiin laga baqdo in uu ilmuhu yeesho xasaasiyad ay ugu wacan tahay in qoyska ay ku jiraan dad lihi, waxaa arintaa ay tahay in ay ciddii ay khusaysaa go’aan ka gaadho in xayawaankaa la sii haysanayo iyo in kale..Waxaa muhiim ah in la xusuusto in ay adag tahay in la iska fogeeyo xayawaanka qofka si fiican u bartay. Sidaa daraadeed waalidiintu waa in ay qiyaas ku sameeyaan in ay khatarta noocaas oo kale ah diyaar u yihiin. Haddii ilmahoodu uu noqdo mid xasaasiyad leh. Haddii arrintan talo looga baahdo waxa lala xidhiidhi karaa Ururka dib u meelaynta xayawaanka (Foreningen for omplassering av dyr, FOD).