logo for printversjon
Foto: colourbox.com

Mudan in wax laga ogaado Jidh-diididda waxyaalaha cuntada lagu daro (tilsetningstoffer i mat)

Dato publisert: 2007/05/01 Sist oppdatert: 2007/07/04nb

Waa maxay waxyaalaha cuntada lagu daraa?

Waxyaalaha cuntada lagu daraa waa magac guud oo ay wadaagaan waxyaalo cuntada lagu daro si ay u kordhiyaan muddada tayadeeda, u galaan halkii sonkorta ama ay siiyaan dhadhan, nuxur ama midab gaar ah. Waxyaalaha cuntada lagu daro waa in la shaaciyaa oo ay ku caddaataa galka cuntada. Marmarka qaar waxa ay wataan magacoodii caadiga ahaa, marmar kalena waxa ay wataan fure lambar ah oo yurub looga yaqaano ( E-nummer).

Waxyaalaha cuntada lagu daro waxa loo qaybiyaa afar qaybood oo waaweyn; Walxaha tayoxejinta (konserveringsmidler), walxaha loo yaqaan ”antioksidanter”, walxaha adkaynta cuntada (konsistensstoffer) iyo walxaha midab u samaynta (fargestoffer). Qaybahan qayb waliba waxa ay leedahay shaqo gaar ah oo ay cuntada ka qabato.

Walxaha dheeraynta tayoxejinta oo qaata lambarada (E-nummer 200- 299) iyo, antioksidanter(E 300 – 399): waxa cuntada loogu daraa si ay u dheereeyaan muddada ay cuntadu tayo leedahay ee la cuni karo iyaga oo celinaya in ay cuntada ku dhalato bakteriya ama ay faxdo.

Walxaha midab u samaynta: iyaga waxa loo isticmaalaa si cuntada loogu sameeyo midabka lala rabo (E- nummer100 – 199).

Walxaha adkaynta cuntadana (E 400 – 499) waxa loo adeegsadaa cuntada loo gaadhsiiyo heer-cufka lala rabo.

Waxyalaha kale ee caadiga ah in cuntooyinka lagu daro waxa ka mid ah walxaha macaaneeya cuntada (søtstoffer) (E-nummer laga bilaabo E 950).

Maxaa ka dhasha jidh-diidka waxyaalaha cuntada lagu daro?

Ma aha caadi in jidhku diido waxyaalaha cuntada lagu daro, waxa muuqatay in qaar ka mid ah waxyaalaha cuntada lagu daro ay ku jirto maaddo ay diidaan dadka qaar. Jidh-diidistani inta badan ma aha xammilxumo xasaasiyadeed, mana aha xasaasiyad lafteed, waxana macne weyn leh inta qofku ka qaato cuntada ay ku jirto maaddadani.

Astaamaha lagu garto waxa ka mid ah cuncun, gubasho, asmo qofka qabata, finan cuncun leh iyo hafeefad jidh, gaar ahaan afka hareerihiisa iyo xanuun caloosha/ mindhicirka laga dareemo. Waxyaalaha kale ee jidh-diidkan ka dhashaa waxa ay noqon karaan midab casaan ah iyo dareen kulayl oo si ku meel gaar ah wajiga qofka uga qabta iyo madax xanuun.

Waa kuwee waxyaalaha cuntada lagu daro ee jidhku diidaa?

Dadka xiiqda qaba qaar ka mid ahi waxa ay diidaan walxaha cuntada lagu daro ee dheereeya muddada tayoxejinta cuntada ee ”svoveldioksid” iyo ”sulfitter” (E220 – 227), haddii cuntada lagu badiyo.

Waxa kale oo jirta maaddo kale oo ka mid ah kuwa tayogelinta oo ah ”benzosyre” iyo maaddooyinka kale ee ay isku siidhka yihiin (E210, E211-213, E214-219) oo uu jidhku diido si la mid ah sida uu u diido maaddooyinka midab bedelidda. ”Benzosyrene” (E210-213) waa maaddooyinka dheeraynta tayogelinta cuntada ta ugu isticmaalka badan Norway. Waxa ay si dabiici ah ugu jiraan midhaha ”bær” iyo furutada isaga oo ah kimiyado yaryar, laakiin maaddadan waxa laga sameeyaa waxyaalo la isku dardaray waxana lagu daraa waxyaalaha ay ka mid yihiin sharaabka khafiifka ah (lettbrus). Qof miisaankiisu dhan yahay 60 kiilo waxa uu ka gaadhayaa heerkii lagu taliyey in aan maalintii la dhaafin (ADI-verdien) marka uu ka qaato 2 litir oo sharaabka khafiifka ah maalintii haddii inta maaddadan kaga jirta sharaabku ay tahay intii loogu talagalay in aan la dhaafinin.

Maaddooyinka midab samaynta ee ”Azofargestoffene”, oo ah koox maaddooyin la isku dardaray ah oo wadata astaamaha E102, E112, E110, E122-124 og E151, ayaa lagu sheegaa in in ay yihiin maaddooyinka jidhku aad u diido. Laakiin hadda waxa caddaatay in xataa maadooyinka midab gediga ee dabiiciga ahi xataa ay dhalin karaan jidh-diid. Qaar ka mid ah maaddooyinka ”antioksidanter” BHA, E320 iyo BHT, E320 iyo maaddada ”gulataminsyre”, E620 iyo maadooyinka la bahda ah ee E621-623 oo loo isticmaalo adkaynta dhadhanka ee hilibka iyo kalluunka ayaa waxa uu jidhku diidaa xaaladaha qaar, waxa maaddooyinkan la mid ah maadooyinka cuntada lagu macaaneeyo, tusaale ahaan sorbitol (E420), xylitol (E967), isomalt (E953), mannitol (E421), laktitol (E966) iyo maltitol (E965i). Waxa ay leeyihiin heer wax macaanayneed oo u dhigma kan sonkorta oo kale, waxana laga isticmaalaa isku in, waxana ku jirta enerji isku mid ah. Maaddooyinka macaanaynta ee lagu daro sharaabka halkii sonkor lagaga dari lahaa, waxa ay ku fiican yihiin uma kordhiyaan miisaanka jidhka sida sonkorta oo kale. Haddii in badan laga qaato cunto ay maaddooyinkani ku badan yihiin waxa ka dhalan kara calool socod.

Maadada cufsamaynta ee ”polydekstrose” waxa ay dadka qaar ku keeni kartaa shuban iyo calool xanuun, xataa haddii ay in yar ka qaataan. Haddii cunto ka kooban tahay in ka badan 10%  maaddooyinka cuntada ku sameeya dhadhanka macaanka, waa in lagu qoraa digniintan cuntada ”Haddii la badsado waxa ka dhalan kara shuban”.

Yaa ugu badan ee uu ku dhacaa jidh-diidka walxaha lagu daro cuntooyinka?

Jidh-diidista ku wajahan walxaha cuntada lagu daraa waxa ay inta ugu badan ku dhacdaa dadka leh hidde sidaha xasaasiyadda. Heerka diidmada jidhku waxa ay inta badan ku xidhan tahay kimiyadda maaddadan kaga jirta cuntada uu qofku qaatay.

Sidee loo daaweeyaa jidh-diidka walxaha cuntada lagu daro?

Daaweyntu waxa ay ku jirtaa in laga tago cuntooyinka ay ku jirto maaddooyinka uu jidhku diidayaa.

Xaggee laga helaa walxahan uu jidhku diidayo?

Saafta iyo jaamku waxa ay ka kooban yihiin walxaha dheereeya tayoxejinta (konserveringsmidler). Suugada, maraqa iyo ”dressing”ku waxa ku jira walxaha adkeeya iyo kuwa dheereeya tayoxejinta cuntada. Nacnacyada iyo sharaabka dhalooyinka iyana waxa ku jira walxaha midab doorinta, dheeraynta tayoxejinta iyo walxo dhadhan macaan oo la sameeyo ka kooban. Qaar badan oo walxahan cuntada lagu daro ka mid ah ayaa laga helaa deegaanka (tusaale ahaan aashitada ”benzosyre” waxay ku jirtaa midhaha istarooberiga buluuga ah (blåbær) iyo noocyada kale ee midhaha ee loo yaqaano ”tyttebær” iyo ”multer” ka, qaarna si dabiici ah ayay ugu jiraan cuntada, tusaale ahaan maaddooyinka ”klorofyll”, ”bikoks”, ”pektin” iyo ashitada liin dhanaanka. Laakiin inta ugu badan walxahan cuntada lagu daro waxa lagu diyaariyaa warshad, xataa waxyaalahan dabiiciga isaga yimaadda. Waxa shuruud looga dhigaa in walxahan aanay soo raacin wax hadhaa dhir ah ama kiimiko ka soo raacday goobtii lagu diyaarinayey. Ma aha sax in walxaha la isku dardaro ee la sameeyaa ay ka khatar badan yihiin kuwa dabiiciga ah.

Sidee astaan gaar ah loogu yeelaa walxaha cuntada lagu daro?

Dhammaan walxaha cuntada lagu daro waa in astaan gaar ah loo sameeyaa, alaabada diyaarka ah iyo tan ceedin labadaba. Walxahan cuntada lagu daro iyo waxyaalaha kaleba waxa loo suntay si nadaamsan iyada oo ku xidhan miisaanka alaabta. Waxa intaa dheer oo la rabaa in cunto kasta lagu calaamadiyo astaanta ay walxahani leeyihiin oo sheegaysa shaqada ay walxahani ka hayaan cunta lagu daray, astaantan oo noqonaysa magac ama lambarada E- da ka bilaabma.

Cuntada carruurta

Cuntada loo yaqaano cunto carruureed, waa cuntada loogu talagalay carruurta ka yaryar 3 sano jir.  Cuntada carruurta waxa keliya oo la ogol yahay in lagu daro walxaha lagama maarmaanka u ah samaynta cuntadaas. Walxaha midabka, walxaha macaanka, walxaha dheeraynta muddada tayo-xejinta iyo walxaha loo yaqaano ”antioksidanter” ka midna looma ogola in lagu daro cuntada carruurta.

Walxahan cuntada lagu daraa ma ka qayb qaadan karaan qalqaalinamada?

Walxahan waxa marar kala duwan lagu eedeeyaa in ay ilmaha ku ridaan qalqaalinimo. Ilaa iyo maanta wax yar ayaa laga ogyahay sababta keenta dareenka diidmo ee jidhku ka muujiyo cuntooyinka qaar iyo qalqaalinimada iyo in walxahani ay noqon karaan mid ka mid ah sababa dhaliya. Laakiin ilaa hadda laguma guulaysan in la caddeeyo arrintan.

Qalqaalinimada waxa kale oo lala xidhiidhiyaa qaadashada jidhka ee sonkor badan, inkasta oo arrintan lafteeda ay caddeyn cilmiyeed loo hayn. Inta ugu badan waxyaalaha macmacaanka carruurta ayay ku jiraan inta ugu badan ee walxaha midabku (fargestoffer). Sababtaa awgeed ayay u adag tahay in la kala garto ma macmacaankaa mise waa walxaha midabka kuwa qalqaalinimada kordhinayaa. Talo wax ku ool ahi waxa ay markaa noqonaysaa in waxyaalahan oo kale laga saaro jadwalka cuntada cidda ay khusayso.

Walxaha cuntada lagu daro iyo carruurta yaryar

Cuntada loo yaqaano cunto carruureed, waa cuntada loogu talagalay carruurta ka yaryar 3 sano jir.  Cuntada carruurta waxa keliya oo la ogol yahay in lagu daro walxaha lagama maarmaanka u ah samaynta cuntadaas. Walxaha midabka, walxaha macaanka, walxaha dheeraynta muddada tayo-xejinta iyo walxaha loo yaqaano ”antioksidanter” ka midna looma ogola in lagu daro cuntada carruurta.

Warbixin dheeraad ah kala xidhiidh

www.matportalen.no