Waa maxay xasaasiyadda midhuhu (nøtterallergi)?
Jidhka oo xasaasiyad cuntooyinka ku yeeshaa wuxuu ka yimadaa in uu dareen diidmo jidhku ka bixiyo burutiinka cuntadaa ku jira. Xasaasiyad lagu yeesho midhaha (nøtter) waxaa weeye xasaasiyadda nooca laga qaado cuntada oo caadi ah, waana nooc qofku inta uu nool yahay oo dhan haya. Sababaha mid ka mid ah ayaa ah in dadka qayb badan oo ka mid ahi ay leeyihiin xasaasiyadda laga qaado manka (pollenallergi) taasuna waxay keentaa in xasaasiyad isweydaar ahi dhacdo (kryssallergi) iyo/ ama diidmo isku dhafan (kryssreakjsoner) oo tusaale ahaan laga qaado midhaha (nøtter). (Eeg meesha lagaga hadlayo xasaasiyadda isweydaarka ).
Lawsku sida caadiga ah ka mid ma aha midhaha qaata tilmaanta “nøtt”, ee waa khudrad nooca loo yaqaano “belgfrukt”. Sidaa daraadeed dadka qaaarkood oo leh xasaasiyadda lawska ayaa waxaa kale oo ay dareemaan ama xasaasiyaddi ku kacdaa marka ay cunaan noocyadda kale ee khudradda noocan (belgfrukt), tusaale ahaan khudaarta ”erter”, “soya”, fuulka, “lupinmel” iyo misirka.
Xasaasiyad laga qaado lawsku ilaa iyo beri dhaweyd waxay ahayd wax aad ugu yar Norway. Haddase waxaa la arkaa dad badan oo xasaasiyadda noocan ah qaba. Sida arrintan loo sharxi karaa waxay noqon kartaa in lawsku ku batay oo cuntooyinka iyo macmacaanka aad ugu jiro, waxay kale oo noqon kartaa in hadda uun ay dadka iyo dhakhaatiirtuba fahmeen noocan xasaasiyadda ka mid ah.
Dareen noocee ah ayay ku sameeyaan midhaha/yicibta/lowsku dadka xasaasiyadda ku leh ?
Qofku haddii uu xasaasiyad ku leeyahay midhaha/lawska waxay ku keeni karaan dareen diidmo oo aad u weyn. Laakiin taasi dadka oo dhan ma aha. Dareenada caadiga ahi, kadib marka uu qofku cuno midho (nøtter) waa isaga oo cuncun iyo barar ku yeesha afka iyo cunaha. Canbaar ku kacda, ka soo bax, caloosha oo xanuunta iyo matagga ayaa iyaguna noqon kara wax qofka ku dhaca. Mararka qaarkood oo kooban waxaa dhici karta in qofka ay ku dhacaan dareemo diidmo oo noloshiisa khatar ku ah oo ay xasaasiyad shoog lihi ku dhacdo (allergisk sjokk). Dareenka diidmo ee uu qofku ku dareemo yicibta ma aha wax caadiga ah sida midhaha oo kale.
Dalka Iswiidhan waxaa lagu arkay in ay suurtogal tahay in dareen isweeydaarsan (kryssreaskjon) oo aad u khatar ahi uu dadka xasaasiyadda ku leh lawska, kaga dhaco kadib marka ay cunaan ”soya”. Faransiiskana sidaa si leeg ayaa waxaa lagu arkay dareen isweydaarsan oo ku saabsan ”lupinmel”. Laakiin arintan waa laga xaqiijin kari waayay dalal kale.
Waa maxay waxaa dareenka diidmo jidhku ka bixiyaa?
Waa borotiinka ku jira geedka midhaha/yicibta/lawska waxa keena dareenka diidmo. Dadka qaarkii waxaa xasaasiyad xun ku kicin kara dhaska midhaha.
Sidee loo daweeyaa xasaasiyadda ay keenaan midhaha/yicibta/lawsku?
Cuntadu xasaasiyadda ay kiciso waxaa lagaga fakan karaa iyada oo la iska daayo oo aan la cunin. Midhaha, yicibta iyo lawsku ma laha walxo wasaasiyeed oo isku mid ah. Taa macnaheedu waa in qofka mid ka mid xasaasiyad kulihi aanay khasab ahayn in uu kuwa kalena ku leeyahay.
Xaggee ku jiraan midhaha/yicibta/lawsku?
Cuntooyinka badanka ay ku jiraan midhuhu (nøtter) waa keega, buskudka, cuntooyinka la isku daro ee lagu quraacdo (frokostblandinger), saladhka, rootiga, ismariska (nøttepålegg) macmacaanka cuntada laga danbeysiiyo, ”krokan”, shukulaadada, iskiriimka, qaybo ka mid ah soosyada loo yaqaano ”pesto”, cuntooyinka shisheeyaha qaarkood, tusaale ahaan kuwa eeshiyaanka. Saliida laga sameeyo dhirtu waxay noqon kartaa mid laws ku jiro. Haddii shayga la nadiifiyey, sida caadiga ah kuma jiro burutiin. Laakiin saliida lagu sameeyey tuujinta qabow waxaa ku hadhi kara burutiin. Yicibta waxaa laga heli karaa ”marsipan” ka, keega guntiisu tahay yicib, tusaale ahaan nooca ”kransekake”.
Daqiiqda nooca loo yaqaanno ”lupin” ee lagu isticmaalo waxyaabaha la dubayo, waxaa ku jira burutiin si isweydaar ah dareen uga bixiya lawska. Daqiiqda (lupin) ayaa lagu arkay rootida lagu la dhexgeliyo ”pølse”ha kadib markii la soo sheegay in dareen diidmo oo khatar ah uu bixiyey qof cunay rootidan, qofkaas oo ahaa qof xasaasiyad ku leh lawska.
Yay xasaasiyadda ku kiciyaan midhaha/yicibta/lawsku?
Waxay u eeg tahay in dareenka diidmo ee carruurtu ay bixiyaan uu ka xoogweyn yahay ka dadka waaweyn. Qiyaas ahaantii kala badh carruurta xasaasiyadda ku leh lawska ayaa waxaa ay dareen diidmo bixiyaan marka ay uriyaan, dhadhamiyaan ama taabtaan, laakiin dadka waaweyn waxaa kali ah ee dareen ka bixiya 10 %.
Xasaasiyadda lawska waxaa mararka badan lagu arkaa caruurta qaba canbaarta nooca (atopisk). Xasaasiyadda lawsku waa mid dareen aad u weyn bixisa waxaanay u eegtahay in dadka ay hayso badankooda ay haynayso noloshooda inta ka hadhay oo dhan. Laakiin caruurta yaryar waxaa dhici karta in ay ka tagto.
Calaamadinta cuntooyinka:
Cuntooyinka qaarkood ayaa waxaa lagu calaamadiyaa calaamad ay ku qorantahay
”waxaa ku jiri kara wax yar oo midhaha ”nøtter”ka ah”. Tani ma aha in cuntada lagu daray midho ”nøtter”, laakiin waxaa weeye in markii la sameynayay ay ku dhex darsameen in yar oo midhahan ahi. Dadka xasaasiyadda ku leh midhaha ”nøtter”ka badankoodu way cuni karaan haddii wuxu yihiin wax aad u yar, sidaa daraadeed cuntooyinka ay ku qoran tahay ”waxaa ku jiri kara…” way cuni karaan. Laakiin qof waliba waa in isaga oo dhaktarkiisa la tashanaya uu soo ogaadaa in xasaasiyadiisu tahay mid khatar ah oo aan xataa u ogolaaneyn in yar in uu cuno.
Midhaha ”Nøtter” waxaa mar kasta lagu calaamadiyaa magacooda u gaarka ah (hasselnøtter, valnøtter iwm). Ogow in ”nougat” iyo shukulaadada ay ku jiri karaan midho ”nøtter” iyo in ”marsipan”ka iyo ”makronfyll” ka laga sameeyey yicib.