logo for printversjon
Foto: colourbox.com

Mudan in wax laga ogaado Xamilxumada jidheed ee cuntooyinka ay xasaasiyaddu sababto iyo kuwa aanay sababin (matvareoverfølsomhet)

Dato publisert: 2007/05/01 Sist oppdatert: 2007/07/03nb

Waa maxay xamilxumada jidheed ee cuntooyinku?

Xamilxumada jidheed ee cuntooyinku waa diidmo jidhku diido qaybo ka mid ah walxaha ay cuntadu ka kooban tahay. Dadka qaba xasaasiyadda cuntooyinka qaar, waxa dhaca in difaaca jidhku uu dagaal la galo borotiinka cuntada ku jira isaga oo u arka walax “halis” ah oo soo weerartay. Xataa raad yar oo ka hadha cuntada aanu jidhka qofku xamilaynin ayaa sababi kara xasaasiyad. Xasaasiyaddu sida caadiga ah waxa ay timaadaa isla marka qofku cuntada qaato, xaaladaha qaarna waxa ay noqon kartaa mid khatar ah.

Waxa kale oo jira noocyo kale oo ka mid ah diidmada jidheed ee cuntooyinka oo aanu difaaca jidhku soo dhexgelin, laakiin astaamaha ka dhashaa ay u eegyihiin sida kuwa xasaasiyadda ka dhasha oo kale. Astaamahani markiiba jidhka kama muuqdaan sida kuwa xasaasiyadda oo kale, waana ka fudud yihiin isla markaana waxa ay ku xidhan yihiin inta uu cuntada qofku ka qaatay. Haddii jidhka qofku diido nooc cuntada ka mid ah oo isla markaana aanay baadhista shaybaarku soo saarin in uu xasaasiyad ku leeyahay, waxa loo adeegsadaa eraybixinta ah in aanu qofku xammili karin cuntada noocan ah. Waxa jira noocyo badan oo ka mid ah diidmada jidheed ee cuntooyin ama xammilxumo cuntooyin gaar ah sida badanaaba loo yaqaano.

Xammilxumada sonkorcaaneedka (Laktoseintoleranse): Xuubka mindhicirka ayaan awood u lahayn in uu shiido sonkorcaaneedka (sonkorcaaneedka ku jirta caanaha iyo waxyaalaha kale ee caanaha laga sameeyo). Waxa uu qofka ku keenaa calool xanuun, dibiro iyo shuban, laakiin ma aha wax halis ah ee qofka uun baa ku yara dhibtooda. Eeg warqadda warbixinta ee ka hadlaysa xasaasiyadda caanaha.

Cøliaki: Waa xanuun ku dhaca mindhiciryarada, oo sida caadiga loogu yeedho xammilxumada maaddada loo yaqaano “gluten” ka (glutenintoleranse) waayo borotiinka ku jira maaddada “gluten”ka ee laga helo qamadida, haruurka iyo sarreenka ayaa dhaawac gaadhsiiya derbiga mindhicirka. Waxa markaa lagama maarmaan noqota in qofku inta noloshiisa ka hadhay uu isticmaalo cunto aanay ku jirin maaddada “gluten”ku si xanuunka loogu hayo halkiisa oo aanu qofka ugu soo kicin.

Noocyada caadiga ah ee xammilxumada cuntooyinka:

Carruurta yaryar waxa caadi ah in ay xasaasiyad ku yeeshaan caanaha, beedka, kalluunka, lawska, xayawaan-badeedka qolofta adag leh iyo khudaarta loo yaqaano “belgfrukter” sida (dhibcaha, faasuuliyaha, khalka, caleen-jaawida iyo nooc midhaha khudaarta ka mid ah oo loo yaqaan “linse”).  Carruurta leh cambaarta nooca loo yaqaano ”atopisk eksem” ayaa xammilxumo aan ka dhalan xasaasiyad ku leh khudaarta liin dhanaanta, istarooberiga iyo tamaandhada.

Xammilxumadani waxa ay ku xidhan tahay inta uu qofku ka qaato cuntada kicisa, waxana inta badan ay sababtaa is xoqid iyo canbaarta oo ku soo kacda.

Carruurta waaweyn iyo dadka waaweyn iyaga waxa caadi ah in ay xasaasiyad ku yeeshaan lawska, kaarootada qeedhin, tufaaxa, baaraha iyo khudradaha kale ee ad-adag iyo xayawaan-badeedka qolofta adag leh. Xammilxumada ka dhalata maaddada loo yaqaano ”lactose”ku waxa ay sida caadiga ah ilmaha ku timaadaa si tartiib ah marka laga daayo caanaha naaska, waxana ay haysaa ilaa marka uu iskuulka bilaabayo. Xasaasiyadda ka dhalata daqiiqda ee uu qofku diido cuntooyinka ay ku jirto daqiiqi ma aha mid qofka ku soo dheerdheeraysa, laakiin waxa ay ku samayn kartaa raad halis ah oo inta badan ay ku adkaato neefsashadu. Xanuunka mindhiciryarada ku dhaca ee loo yaqaano “Cøliaki” waxa uu ku yimaadda in ka yar 1 % bulshada, waxana uu ku iman karaa da’ kasta, xataa dadka waaweyn. Xammilxumada ka dhalata waxyaalaha cuntada lagu daro (tilsettingsstoffer) waxa ay inta badan u timaadaa qaab ah xammilxumo aanay xasaasiyadi ku dheehnayn, waxana ay qofka ku samaysaa dhibaato aan weynayn.

Astaamaha:

Siyaabaha jidhka qofku u muujiyo diidmadani waxa ay u dhexayn karaan kuwa fudud oo qofka ka taga markiiba – iyo kuwo halis ah, marmarka qaarkoodna kuwa nafta halis gelin kara. Cuncunka afka iyo hunguriga ilaa xuubka candhuufta waxa loo yaqaanaa ”oralt allergi syndrom” waxana lagu yaqaanaa xasaasiyadda isdiidka cuntooyinka, sida ay inta badan la kulmaan dadka qaba xasaasiyadda manka (Pollenallergi). Astaamaha lagu yaqaano ee ay muujiyaan caloosha iyo kanaalada mindhicirku waa dibiro, calool xanuun, shuban iyo lallabo. Astaamaha maqaarka waxa ay inta badan ku miyaaddaan carruurta yaryar, waxa ka mid ah finan biyo leh oo oogada qofka ka soo baxa, canbaarta oo ku kacda iyo cuncun. Xasaasiyadda shoogga lehi (allergiske sjokk) waxa ay timaaddaa marmar iyo dhif, laakiin waa halis, waxana loo baahan yahay markaa in degdeg wax looga qabto. Xasaasiyadda noocan ah waxa lagu yaqaanaa hunguriga oo barara, neefta oo qofka dhibta, matag badan, waxana uu ku dambayn karaa hoos u dhac ku yimaadda cadaadiska dhiigga iyo miyir doorsoon.

Sidee loo gartaa nooca jirrada?

Jeexjeex jirka ah iyo dhiig ka qaadis qofka ayaa ah tijaabooyinka caadiga ah ee la qaado. Labadan arrimood keligood kuma filna in lagu garto nooca jirrada, laakiin waxa lagama maarmaan noqota inta badan in lagu lifaaqo tijaabo cuntada qofku qaato ee ay xammilxumadani kaga dhalanayso. Waxa muhiim ah in aan qofka laga joojin cunto muhiim ah oo loo baahan yahay ilaa la sugo in jidhkiisu diidayo. Arrintani waxa ay muhiim tahay gaar ahaan haddii laga shakiyo in qofku qabo jirrada ”cøliaki” maadaama ay adag tahay in jirradan la ogaado haddii baadhitaanka la bilaabo ka dib marka uu qofku bilaabo cunto aanay ku jirin maaddada ”gluten”ka ee xanuunkan sababtaa. Marka jirradan la baadhayo waxa lagama maarmaan ah in qofka muddo laga daayo cuntada looga shakisan yahay in jidhkiisu diidayo oo marka muddadaasi dhammaato haddana cuntadii si tartiib ah loogu bilaabo si loo eego.

Waxa jira tijaabooyin fiican oo lagu ogaado xanuunka ”cøliaki” iyo xammilxumada cuntada ay ku jirto maaddada ”laktose”.

Ma jiraan tijaabooyin urursan oo ka mid ah hab-daaweyneedka caadiga ah oo lagu garto xammilxumada cuntooyinka guud ahaan. Dad badan oo adeegsada daaweynta dabiiciga ah ayaa isticmaala tijaabooyinkan, laakiin lama hayo wax caddeynaya in ay tijaabooyinkan ka dhalan karto natiijada laga filayaa.

Isbitaalka ”Rikshospitalet HF, Kiliiniga carruurta ee ”Voksentoppen” ayaa ah isbitaal takhasus gaar ah u leh carruurta xasaasiyadda qabta. Dadka waaweyn iyaga ma jiro isbitaal u gaar ah oo ku takhasusay xasaasiyadda. Dadka waaweyni iyagu waa in ay marka hore la xidhiidhaan dhakhtarkooda gaarka ah, oo uu markaa u sii gudbiyaa dhakhtar takhasus ah; tusaale ahaan dhakhtar takhasus ku leh caloosha-mindhicirka, dhakhtarka sambabada ama dhakhtar ku takhasusay dhegaha/sanka/cunaha.

Daaweynta:

Cunto isu dheelli tiran in la qaataa waa wax aad u muhiim ah, weliba gaar ahaan sannadaha hore ee ilmuhu yar yahay. Habka ugu fiican ee loo daaweeyo xasaasiyadda cuntadu waa in qofku iska ilaaliyo cuntooyinka aanu xammilka u lahayn. Nafaqooyinka qofka ku seega cuntooyinka aanu xammilka u lahayn waa in uu bedelkooda helaa. Haddii qofku xasaasiyad ku leeyahay caanaha, waa in uu ku dadaalaa in uu si kale u helo kalsium iyo faytamiinada B. Carruurta aad u yaryar waxa kale oo muhiim ah in lala socdo inta ay ka qaadanayaan dufanka iyo borotiinka. Carruurta xasaasiyadda ku leh caanaha lo’da waa in la siiyaa caano nuxur buuxa leh oo magdhow u noqda (farmasiyada ayaa warqad lagaga qaataa). Qofka qaata cuntada aan sarreenka lahayni waa in uu ku dadaalaa in uu qaato cunto ay ku badan yihiin borotiinka, fiiberka iyo macdanta. Faytamiinka C wuu ku yaraan karaa jidhka qofka haddii aanu cunin khudaar iyo furuto badan. Dhakhtarka ayaa qofka u diri kara qaybta baadhista nafaqada jidhka ee isbitaalka si loo siiyo talobixin qofeed oo dhinaca nafaqada ah.

daawooyinka:

Dadka ay ku dhacdo xasaasiyad xoog badan oo nafta halis gelin karta waxa habboon in la siiyo oo uu haysto irbadda loo yaqaano ”adrenalinsprøyte” (Epipen iyo Epipen jr.). Irbadda waxa loo isticmaalaa sidii ka hortag suneed oo kale, tusaale ahaan haddii qofku uu isaga oo aan is ogeyn qaato cunto aanu xammil u lahayn ayuu irbadan qaadanayaa.  Daawooyinka xasaasiyadda ee loo qaato noocyada kale ee xasaasiyadda sida xasaasiyadda manka oo kale waxa ay hoos u dhigi karaan dhibaatooyinka ka dhasha qaadashada cunto aanu qofku xammil u lahayn. Laakiin caadi ma aha in daawo joogto ah loo qaato xasaasiyadda cuntada.

Diiwaanka xasaasiyadda cuntada

Haddii qofku xasaasiyad xoog leh ku yeesho cuntada waa in farriin la gaadhsiiyaa xafiiska diiwaangelinta xasaasiyadda cuntada ee hoos yimaadda mac-hadka caafimaadka dadweynaha (folkehelseinstituttet). Shuruudda u taalla in xaalad qofeed loo gudbiyo diiwaanku waa in qofku uu dhakhtar u tago muddo ku siman 24 saacadood markii uu qaatay cuntada aanu xammilka u lahayn ka dib. Diiwaankan waxa loo abuuray si loogu ururiyo warbixino dheeraad ah oo ku saabsan xasaasiyadda ka timaadda cuntada, sida ay u kala khatarsan yihiin, waxyaalaha xasaasiyadda laga qaado iyo dadka ay ku dhacdo.

Inta ugu badan waxa habboon in qofka qaba xasaasiyadda cuntadu uu isagu gacantiisa ku samaysto cuntada. Marka uu isticmaalayo cunto meel kale lagu soo diyaariyey, waa in uu si fiican isaga akhriyaa waxyaalaha ay ka kooban tahay. Marka aad suuqa cunto ka cunayso waxa muhiim ah in aad weydiiso masuuliyiinta goobta nuxurka ay cuntadu ka kooban tahay, isla markaana lagu wargeliyo xasaasiyadda ama xammilxumada cuntada.  

Sida xasaasiyaddu u timaaddo:

Carruurta ugu yaryar ee u dhexeeysa 1.- 3 sano, waxa ku dhacda 5-8 % xammilxumo cunto. Bulshada guud ahaana 5 % ayay ku dhacdaa xasaasiyad cunto/xammilxumo cunto. Weliba dad intan aad uga badan ayay taabanaysaa arrintani nolol maalmeedkooda, waayo barnaamijkani waxa uu raad ku keeni karaa saaxiibada iyo xubnaha qoyska.