Waa maxay xasaasiyaddu?
Erayga xasaasiyad waxa uu ka soo jeedaa af-giriig waxana macneheedu yahay isbedel ku dhaca hab-falcelineedka jidhka. Xasaasiyad waxa ay markaa noqonaysaa isbedello ku yimaadda habka uu jidhku falcelinta uga sameeyo marka uu la kulmo walxaha dabiiciga ah ee deegaanka ku abuuran ee sida caadiga ah aan dhibaatada lahayn. Walxahan waxa loo yaqaan”allergener”, inta ugu badanina waxa ay ka dhalataa qandhicilka ka dhasha dhaska guriga, caaryada, dhogorta xayawaanka, waxyalaha lagu daro cuntooyinka ee nafaqada geliya, daawooyinka, birta, iyo manka dhirta iyo doogga.
Qofka xasaasiyadda qabaa marka uu jidhkiisu dareemo walxahan loo yaqaan ”allergener”ka waxa markaa jidhkiisa ku samaysmaya oo hawlgelaya maaddo ka hortag ah oo loo yaqaanno(IgE). Maaddadani waxa ay la falgelaysaa unugyo kala duwan oo loo yaqaano unugyada caabuqa sida ”mastceller iyo basofile granulocytter). Unugyadani waxa ay ku jiraan meelaha ay ka mid yihiin xuubka hawamareenka, dhiigga iyo jidhka sare ee qofka (maqaarka). Mar walba oo ay markaa xidhiidh sameeyaan walxihii ”allergener” ka iyo jidhka qofku, waxa is diidaya walxihii ”allergener”ka iyo maaddada (IgE) ee ka hortagga. Isdiidka labadan walxood ayaa markaa dhalinaya walxo kiimikaad oo ah kuwa u sabab ah cuncunka, san xidhanka, qufaca iyo hawada oo qofka ku xidhanta. Walaxda kiimikaad ee ugu muhiimsan ee halkan ka dhalan kartaa waxa loo yaqaan ”histamin”. Waxa ay qaadan kartaa muddo dheer ama muddo kooban in qof xasaasiyad ku yeesho walax.
Qofkee ku dhacdaa xasaasiyaddu?
Hidduhu waxa uu ka ciyaaraa dowr weyn in qofku xasaasiyad yeesho iyo inkale. Haddii aanay labada waalid midkoodna lahayn xasaasiyad, waxa ay fursadda in ilmaha ay xasaasiyadi ku dhacdaa noqonaysaa markaa 15 %. Haddii labada waalid mid ka mid ahi uu xasaasiyad leeyahay, waxa ay fursaddii noqonaysaa 40 %. Halka haddii ay labada waalidba xasaasiyad leeyihiin ay fursadda in ilmahooduna yeeshaa tahay 60 – 80 %. Carruurtu inta badan way ka kortaa xasaasiyadda laga qaado cuntada, laakiin waxa laga yaabaa in ay ku dhacdo nooc kale oo ah xasaasiyadda hawamareenka oo la soo gaadha ilaa ay noqdaan dad waaweyn. Xasaasiyadda hawamareenku dhif ayay qofka ka wada tagtaa, laakiin way kala duduwanaan kartaa dhinaca xoogga (sida ay qofka u qabanayso), waxyaalaha ka dhashaana aad ayay uga fududaan karaan sidii hore. Dadka qaar ayay laakiin xasaasiyadda manka iyo xoolaha ka kacdaa haysaa oo xoog ugu kacdaa ilaa muddo dheer.
Astaamahee ay leedahay xasaasiyaddu?
Xasaasiyadda laga qaado manka (pollenallergi) waxa ay dhibaatadeedu ka muuqataa guud ahaan sanka iyo indhaha, laakiin waxa kale oo ay yeelan kartaa astaamo ay ka mid yihiin madax xanuun, tahli waa, daal iyo hoos u dhac ku yimaadda awoodda feejignaanta qofka (konsentrasjonsevne). Dad badan oo qaba xasaasiyadda manka ayaa dhibaato ka dareema afka iyo hunguriga marka ay cunaan khudaar iyo furuto ceedhin, gaar ahaan xilliga ay kacsan tahay xasaasiyadda manku. Sababtu waxa weeye waxlaha kiciya xasaasiyadda manka ayaa waxa ay u eg yihiin borotiino ku jira cuntada, marka qofka waxa ku dhacaya waxa loo yaqaanno isjiidhka falcelin xasaasiyadeed (kryssallergireaksjon).
Haddii ay qofka ku dhacdo xasaasiyad xoog lehi, waxa uu markaa qofku geli karaa xaaladda loogu yeedho ”allergisk sjokk”. Arrintan oo looga jeeddo hoos u dhac kedis ah oo nafta halis geliya oo ku yimaadda cadaadiska dhiigga. Sababta arrintani waxa ay noqon kartaa irbad lagugu muday (sida tallaal ama daawada caloosha saafiga ka dhigta marka sawirka (raajada) laga qaadayo qofka), cayayaan qaniina qofka sida kaneecada, daawo ama cunto uu jidhkiisu diiday.
Astaamaha lagu garto xasaasiyadda xidhiidhka iyo xasaasiyadda cuntada, waxa aad ka eegi kartaa qoraalada u gaarka ah ee arrintan ka hadlaya.
Sida ay u timaaddo:
In ka badan 40 % dadka ayay ku dhacdaa xasaasiyaddu hal mar ama dhowr goor noloshooda. Inta ugu badan dadka waxa ku dhacda xasaasiyad nooc fudud ah. Noocyada xasaasiyadda halista ah waxa ay ku dhacdaa 10- 20 % dadka ka mid ah. Dadka badankoodu waxa ay arkaan astaamaha xasaasiyadda inta ay ku jiraan da’da carruurnimada inkasta oo qaar ka mid ahi ay xanuunka laftiisa dareemaan iyaga oo dad waaweyn ah.
Waxa jira dareen caalami ah oo ku jihaysan in xasaasiyaddu ay sannadahan dambe ku soo kordhayso dunida. Waxa jira waxyaalo badan oo muujinaya in arrimaha hab nololeedka ee ay ka mid yihiin wax ka bedelka cuntada qofku qaadanayo iyo hawada nadiifta ah oo ku yaraataa ay dowr weyn ka ciyaaraan soo badashada xasaasiyadda. Waxa kale oo dowr ka qaadanaya hoos u dhaca ku yimi awooddii toosineed ee mikrobyada jidhka ku jira iyo isbedelka ku dhacay waxyaalaha ay ka kooban tahay bakteriyada ”flora” ee jidhkeena ku jirtaa.
Daaweynta xasaasiyadda:
Waxa lagugula talinayaa in aad la xidhiidho dhakhtar haddii aad dareento in aad qabto xasaasiyad. Xasaasiyadda noocyadeeda fudud iyo kuwa dhexdhexaadka ah waxa ku filan hawlgallo ka hortag. Sida ugu fiicanina waa in aad ka fogaato waxyaalaha ay kaaga kacayso xasaasiyaddu. Xasaasiyadda cuntada ka kacda way adag tahay in ka hortag lagu sameeyo. Xasaasiyadda manka. Dadka qaar badan ayay lagama maarmaan noqon kartaa in lagu daaweeyo daawooyin.
Waxa muhiim ah in la helo qaab daaweyneedka saxa ah iyada oo loo isticmaalayo daawooyinkii saxa ahaa ee ku habboonaa. Hab-daaweyneedka ugu horreeya ee xasaasiyadda ay astaamaheedu sanka ka muujismaan waa hab-daaweyneedka loo yaqaanno ”lokale steroider”. Hab-daaweyneedkan waxa loo helaa isaga oo ah daawo la isku buufiyo iyo mid budo ah labadaba. Waxa kale oo isna jira hab-daaweyneed firfircoon oo ay yar yihiin raadadka waxyeelo ee uu qofka u geystaa, waana habka loo yaqaano ”Antihistaminer”. Habkan waxa isna la helaa isaga oo ah kiniini, dhibco indhood iyo buufimo sanka ah. Xasaasiyadda ay astaamaheedu ka soo baxaan qaybta hoose ee dhuumaha hawo-mareenka, waxa inta badan loo baahdaa in lagu daaweeyo hab-daaweyneedka nuugista neefta. Hab-daaweyneedkan waxa inta badan loo isticmaalaa dhowr daawo oo isku dhafan oo lagu neefsado. Irbada loo yaqaano ”Kortisonsprøyte” waxa habboon in inta ugu badan laga fogaado, laakiin waxa ay lagama maarmaan noqon kartaa xaaladaha qaar sida ka hor marka imtixaan aad gelayso oo kale, ama haddii ay hab-daaweyneedyada kale oo dhammi wax fiican u tari waayaan. Irbadan waxtar keedu waxa uu socon karaa dhowr toddobaad.
Shoogga xasaasiyaddu (allergiske sjokk) waxa uu qofka ugu iman karaa si tartiib ah, ama waxa uu ugu dhici karaa si kedis ah, waxana uu noqon karaa mid halis ku ah nafta. Dadka tirada yar ee qaba xasaasiyadda halista ah ee uu ku dhici karo shoogga xasaasiyaddu, waxa la siiyaa oo ay heegan ka dhigtaan daawada loo yaqaano ”Adrenalin” oo uu isku mudo. Marka ay xaaladan oo kale timaaddo, waa in qofka lagu mudaa irbadda ”adrenalin” isla markaana loo yeedhaa dhakhtarka gargaarka degdega ah.
Tallaalka xasaasiyadda- (eeg warbixinta la magac baxday ”Nyttig å vite om allergivaksinasjon”).
Sidee loo helaa xanuunka?
Haddii qofka xasaasiyadda qaba la baadho iyada oo ku kacsan, sida tusaale ahaan qofka oo xoog u hindhisaya, waxa suuragal ah in la garto nooca xasaasiyadda qofka ku kacsan markaa. Laakiin sida caadiga ah, waxa suuragal ah in baadhitaanka jidheed ee la sameeyaa aanu kala saarin in waxa qofka ku kacsani ay yihiin xasaasiyad, qalqaalinimo (hyperaktivitet), dareen talaxtagsan oo kiimikaad ama wax kale. Waxa markaa loo baahanayaa tijaabooyin gaar ah oo lagu baadho xasaasiyadda, iyada oo qofka dhiig laga qaadayo ama jidhkiisa sare tijaabo laga qaadayo. Hab-daaweyneedka ”Antihistaminer” waa in aan lagu samayn qofka toddobada maalmood ee ka horraysa marka qofka laga qaadayo tijaabo jidhkiisa (maqaarkiisa) waayo waxa qorsoomi kara natiijada laga filayo in ay ka soo baxdo meesha. Waxa aad u muhiim ah in dhakhtarka eegaya tijaabada dhiiggu ee ka baadhaya xasaasiyaddu uu turjuman karo natiijada.
Ma jirto tijaabo xasaasiyadeed oo 100 % lagu kalsoonaan karaa. Waxa suuragal ah in ay jiri karto in isaga oo qofku qaba xasaasiyad ay tijaabada xasaasiyaddu soo saari weydo, ama dhinaca kale qofka oo aan xasaasiyad qabin ay tijaabadu sheegto in uu qabo. Sidaa darteed taariikhda xanuunka qofka iyo sida uu u qabtaa waa waxa ugu muhiimsan marka la baadhayo xasaasiyadda. Ma jirto da’ u xadidan qofka laga baadhayo xasaasiyadda.
Sida loo sameeyo tijaabada xasaasiyadda:
Marka laga shakiyo xasaasiyad waa in lala xidhiidho dhakhtarka kuu gaarka ah. Dhakhtarada gaarka ah qaar ka mid ah ayaa iyagu qaada tijaabada, kuwa kalena waxa ay qofka u gudbiyaan dhakhtaro takhasus u leh arrintan, ama qaybta bukaan-socodka ee isbitaalka. In qofka loo ogolaaday in uu xaq u leeyahay in uu doorto isbitaalka uu doono ayaa waxa ay fursad u siinaysaa in uu sameeyo doorasho sax ah. Barta internett ka ee hoos ku xusan iyo telefonkan, 800 41 004, ayaad ka heli kartaa warbixin waafi ah.oo ku saabsan goobaha daaweynta. Doorashada goobaha daaweynta ee xorta ah ee Norway ayaa sidoo kale aad ka heli kartaa warbixin ku saabsan xaqa qofku u leeyahay in uu doorto goobta baadhitaan ee uu doonayo isagu. Eeg www.sykehusvalg.net
Ka hortagga xasaasiyadda:
Xasaasiyadda waxa laga yaabaa in laga hortago haddii ilmuhu uu nuugo naaska hooyadii afarta ilaa lixda bilood ee ugu horraysa noloshiisa. Haweenka uurka lehi waa in aanay sigaarka cabin, ilmahana waa in laga ilaaliyaa qiiqa tobaakada. Waxa habboon in lagu dadaalo in guriga la laydhiyo oo la soo geliyo hawo caafimaad qabta.