Waa maxay manku?
Manku waa walxo yaryar oo culayskooda iyo cabirkooduba kala duduwan yahay. Waxay soo raacaan hawada, waxaana kala fidisa dabaysha si ay u rimiyaan dhirta kale ee la nooca ah. Noocyada micnaha weyn u leh xasaasiyadda manka waxay ka yimaadaan dhirta noocyadda la kala yidhaa, ”or”, ”hassel” iyo ”bjørk”. Waxaa intaa sii dheer ”burot” iyo noocyo kala duwan oo doog ah, gaar ahaan ”timotei” iyo ”hundegress”. Raadadka ka dhasha caaryada guriga (Muggsoppsporer) ayaa isaguna kicin kara xasaasiyad leh astaamaha xasaasiyadda manka oo kale. Xasaasiyadda nooca manka waxaa ugu wacan in qofku dareen diidmo oo xasaasiyadeed ka bixiyo noocyo burutiinada dhirta ku jira ka mid ah. Af-cilmiyeedka waxaa xasaasiyadda manka ee xilisanadeedyada loo yaqaanaa ”rhinitt” dadkuna waxay u yaqaanan sanboor.
Dadku wuxuu xidhiidh la sameeyaa manka (Pollen) isaga oo neefsada isla markaana ay gaadho hawomareenka jidhka, iyo iyada oo qofka maqaarkiisa, timihiisa iyo indhihiisa isku marta oo ku dhegta. Dadka badankiisa wax dhibaato ah uma gaysto, laakiin qofka xasaasiyadda leh waxaa firfircoonaan sameynaya oo shaqeynaya habka difaaca ee jidhkiisa. Sidaa daraadeedna waxaa dareen caabuq ka bilaabmaa sanka iyo/ama indhaha. Jidhka ayaa dareen diidmo ka bixiya burutiinka ku jira manka sidaa daraadeed wuxuu ku sii daayaa maaddada ”hastamin” iyo maaddooyin kale oo caabuq sameeya, taasuna waxay keentaa in qofku hindhiso, sankuna da’o indhuhuna cuncunaan.
Yey xasaasiyadda manku ku dhacdaa?
Xasaasiyadda manku badanaa waxay ku dhacdaa da’da u dhaxaysa 5-40 sano, waxaanad mooddaa in dad badan uu xanuunkani ku dhacayo.
Xagee manka laga helaa?
Manku waxa uu si badan u raacaa hawada xilliyo go’an oo ka mid ah sannadka. Xilliga gu’ga waxaa laga helaa dhirka, xilliga xagaagana waxaa caadi ah in isha laga helaa ay tahay doogga iyo ”burot”. Manka nooca doogga iyo dhirta gaagaaban ee ”burot” waxay ku fiddaa oo keliya dhowr boqol oo mitir, marka la barbar dhigo nooca dhirta oo ku fidi kara maylal. Si gaar ah waxa ay arrintani u khusaysaa manka geedka ”bjørk” oo haddii dabayl u socota koonfur-bari oo deggani jirto, uu ka iman karo tusaale ahaan meelo ku yaalla koonfurta wadanka Finland ama Baltikum isaga oo soo gaadhi kara waqooyiga- Norway.
Digitaanka laga digayo xasaasiyadda manka waxaa laga heli karaa maalin walba oo shaqo, xilliga xagaaga warbixin cusub oo ku saabsan halka dalka ka mid ah ee xasaasiyadaha kala duwan ee manka laga qaadi karaa ay ka jiraan. Tusaale ahaan ta laga qaado dhirta nooca ”bjørk” marka ay Oslo ka tagto kadib ayay u gudubtaa Tromsø. (Ka eeg pollenkalenderen/pollenvarsling www.naaf.no)
Astaamehee lagu gartaa xasaasiyadda manka?
Xasaasiyadda manka badanaa waxaa lagu gartaa in qofka sanka biyo ka da’aan, cuncun uu yeesho, xidhmo iyo in uu hindhiso. Indhuhu wey da’aan, cuncunaan, casaan bay noqdaan waanay bararaan. Dadka qaarkood waxaa xiligga manku kacsan yahay ku dhacda xiiq. Arintan dadka qofka ka ag dhow oo dhami way wada dareemi karaan, laakiin xaaladaha qaarkood waxa dareema qofka xanuusanaya oo keliya. Jidhka oo dhan baa dareen diidmo bixiya. Dadka xasaasiyadani haysaa waxay dareemaan caajisnimo, aanu qofku diyaar ahayn, waxaana ku adkaata in uu yeesho feejignaan iyo in uu wax barto. Dad badani waxay dareemaan in xanuunku raad ku yeesho natiijada shaqada iyo dugsigaba
Dad badan oo xasaasiyadda manka qabaa waxaa ay dareemi karaan dareen diidmo isweydaar ah (kryssreaksjon). Eeg qormada ”Mudan in wax laga ogaado dareenka diimada isweydaarka ah (kryssreaksjoner)
Sidee loo ogaadaa qofka marka ay xasaasiyaddanu hayso?
Dhakhtar u leh aqoon xasaasiyadu wuxuu kuu samayn karaa tijaabo si uu u eego in jidhkaagu dareen diidmo ka bixinayo manka, dhaska guriga, caaryada, qaybo ka mid ah xayawaanka iyo wax la mid ah. Dhibic yar oo ay ku jirto maaddo tijaabo ahi, tusaale ahaan mankii oo laga dhigay dareere ayaa maqaarka jidhka lagu shubaa. Dhibicdaasi meesha ay saaran tahay ayaa waxaa laga sameeyaa dalool yar iyada oo maqaarka la mudo. Maqaarka meel ka mid ah oo cas, cuncun leh isla markaana leh guntiimo cad ayaa waxay sheegtaa xasaasiyadda. Dareenka noocaas ah ee uu jidhku bixiyey oo ay soo raacaan waxyaabaha kale ee xasaasiyadda lagu garto ayaa waxay tusayaan in aad xasaasiyad ku leedahay noocii manka ka ee ay dhibicdu ka koobneyd.
Waxaa muhiim ah in aanu qofku isticmaalin kiniinka xasaasiyadda 3-10 maalmood ee ka horeeyey maalintaa qofku tijaabada iska qaadayo.
Tijaabo xasaasiyadeed oo qofka dhiig laga qaadayo ayaa iyaduna ah mid lagu garan karo qofku in uu xasaasiyadda manka leeyahay.
Sida xasaasiyaddanu qiyaas ahaan ay dadka ku tahay
Qiyaastii 20 % dadka dalka ku dhaqan ayey si xoog ah/ ama dhexdhexaad ah xasaasiyadda manku u qabataa- qiyaastii 900 000 norweyji ah.
Dalka Iswiidhan oo daraasad lagu sameeyey sababta ay xasaasiyaddani ugu soo korodhay dadka waaweyn, ayaa waxaa soo baxay qiyaasahan:
Waxaa lahaa sanadkii 8 % dadka ka mid ah sannadkii 1981, halka ay sannadkii 2003 ka gaadhay qiyaastanu 19 %. Waxana ay u badan tahay in Norway iyana ay sidan oo kalesi xad dhaaf ah ugu korodhay xasaasiyaddani.
Tallaabooyin/talooyin wanaagsan:
- Xilliga manku waa xilli aan caadi u ahayn walxaha xasaasiyadda dhaliya iyo waxyaabaha kale ee iyaguna kiciya. Sidaa daraadeed, nadaafadu ha noqoto mid si fiican loo sameeyo, ha laga taxadiro urta adag iyo sigaarka iyo wixii kale ee la mid ah.
- Isku day in aad ka maarantid in guriga aad laydhisid marka pollen badani hawada ku jirto, taas oo ah laga bilaabo subaxnimadii ilaa iyo gelinka danbe.
- Haku wadhin dharka dibada marka ay maalintii tahay. Qolofta manka waxaa u fudud in ay ku dhegto dharka.
- Dhaq/biyo geli timaha intaanad seexan ka hor
- Jimicsiyada dibadda lagu samaynayo waxaa wanaagsan in laga dhigo marka fiditaanka manku yar yahay. Dadka qaarkood waxaa ku habboon in ay isticmaalaan afka wax ay iskaga duubaan oo dhaska isaga dhigaan, marka tusaalo ahaan ay wataan baaskiiladda.
- Qofka oo isticmaala muraayadaha laga gashado qorraxdu waxay yarayn karaan dhibaatooyinka indhaha ku iman kara.
- Ardayda dugsiyada iyo kuwa jaamacadda ee leh xasaasiyadda nooca manka waxay (wakhti wacan ka hor) dalban karaan in loo dheereeyo wakhtiga imtixaanadu soconayaan. Waa in codsiga la raaciyo warqad cadayn ah oo dhakhtarku soo qoray (legeerklæring).
Daaweynta xasaasiyadda manka
Muhiimadda daaweynta xasaasiyadda oo dhami waa sidii uu qofku isugu deyi lahaa in uu iska ilaaliyo waxyaabaha aanu jidhkiisu iska xejin karayn. Daawooyin badan oo xasaasiyadda dhirta ah ayaa jira. Waxay noqon karaan nooc sanka la isaga shubo, indhaha ama kiniinka xasaasiyadda (antihistaminer iyo leukotrieneantagonister), mid la nuugo ama tallaal. Dawo cusub oo la yidhaa ”Xolair” ayaa Norway laga ogolaaday dhawaan. Waxaa loogu talogalay dadka xiiqda xumi hayso isla markaana xasaasiyadu xanuunka raad ku yeelan karto.
Dhakhtarkaaga ayaa kaa caawin kara doorashada dawada kugu habboon. Waxaa muhiim ah in la ogaado in dawooyinka xasaasiyadu ay yihiin qaar u shaqeeya si ka hortag oo kale, waxaana la ogyahay in ay qaadan karto ilaa 1-2 toddobaad ka hor inta aanay si buuxda qofka wax ugu tarin. Waa in si joogta ah loo isticmaalaa maalin kasta inta xilligu socdo., xataa haddii qofku aanu calaamadaha isku arkin maalmaha fiditaanka manka ay yar tahay. Waxaa muhiim ah in la ogaado in ay xasaasiyadda kicin karaan oo ay ka sii dari karto marka qofku dareemo urta sigaarka, qiiqa gawaadhida, dhaska, cadarka, dabaysha, isbedbedelka cimilada, infekshanada, dareenada nafsiyanka ah iyo waxyaabo ay hormonadu ugu wacnaan karaan iyo weliba khamriga.
(Eeg warbixinta gaar ka ah ee tallaalka xasaasiyadda.)