logo for printversjon

Mudan in wax laga ogaado Xiiqda iyo qabowga (astma og kulde)

Dato publisert: 2007/05/01 Sist oppdatert: 2007/07/03nb

Hawada qaboobi waxa ay culays dheeraad ah ku haysaa dadka qaba xanuunada xiiqda iyo dhibaatooyinka hawamareenka. Hawlgallo ka hortag oo wanaagsan, daaweyn sax ah iyo iska ilaalin dhaxanta ayaa ka caawin karta dadka qaba xiiqda in ay dhaxanta qabow iska dhex mari karaan iyaga oo aan ku xanuunsan. Dhaxanta oo keli ahi inta badan ma aha sababta ugu badan ee dhibka keenta. Wasakhow ku dhaca qurub ka mid ah qurubyada hawada oo ka dhashay qabow, gaar ahaan magaalooyinka iyo meelaha ay dadku ku badan yihiin ayaa inta badan sii xumeeya xaaladda qofka xiiqda qaba. Hargabka soo noqnoqda ee xilliga qabowga ayaa sidoo kale kordhiya dhibaatada. Xiiqdu waa xanuun habab badan oo kala duwan u yimaadda. Laakiin inta ugu badan dadka qabaa waxa ay dareemaan cidhiidhi marka qabowgu jiro. Waxa muhiim ah in la is ilaaliyo oo aan la samayn tababarasho xoog ah marka hawadu xoog u qabow dahay.(<10 °C)

Maxaa dhacaya?

In dad badan oo xiiq qabaa ay dhibtoodaan marka ay qaataan hawo qabow waxa u sabab ah xammilxumo ka jirta jidka hawo mareenka ee ma aha qofka oo xasaasiyad ku leh qabowga. Qaadashada hawo qaboobi waxa ay si dadban u keenaysaa in ay qallalaan hawa mareenku oo ay markaa dhuubtaan. Waxa weliba dhacda in haddii ay jirto hawo aad u qabow ay adkaan karto in hawo sanka laga qaataa. Dadka xiiqda qaba hawada afka laga qaadanayaa waxa ay ku keentaa in ay hawo mareenkii sii yaraadaan, waayo hawadu fursad u heli mayso in ay diirto inta aanay gaadhi hawamareenka.

Sanku waxa uu dowr weyn oo lama ilaawaan ah ka ciyaaraa ka ilaalinta hawo mareenka hawo aan kala shiilayn waxana caddaatay in dhumucda sanku ay dawr ka ciyaarto awoodda qofku u leeyahay in uu sanka ka neefsado. Tusaale ahaan dadka loo yaqaan dadka ”Inuittet” waxa ay ku nool yihiin cimilo xoog u qabow (Grønland), waxana ay cilmibaadhisi caddeysay in daloolada sankoodu uu ka weyn yahay dad badan oo kale.

Qabowga iyo jimicsiga

Waxa muhiim ah in la ogaado in ku jimicsiga hawo aad u qabow ay dhibaato u keeni karto dadka qaba xiiqda haddii aanay si fiican isaga adkayn qabowga. Xiiqda ka dhalata cidhiidhiga dhuumaha hawamareenka waxa ay si dadban uga dhalataa ku jimicsiga hawo qabow waayo dhuumaha hawada waxa toos u gelaysa hawo qabow. Dhibaatadani waxa ay timaadaa marka si xoog ah loogu jimicsado ama loogu tartamo hawo qabow oo ka badan -15 digrii.

Sidoo kale juhdiga jimicsi ee lagu sameeyo meel qaboobi waxa ay taabataa dhuumaha hawomareenka ee caadiga ah ee dadka iyo xoolahaba. Tijaabooyin laga soo qaaday unugyada dhuumaha hawomareenka ee noocyo ka mid ah eyda tartarka ee Alaska ayaa muujisay marxalado kala duwan oo dhibaato gaadhay hawomareenka – waxa tan la mid ah xaaladda dadka ku orda barafka marka ay ku tartamayaan goobo qabow ka jiro.

Arrintu si kastaba ha ahaatee waxa mudan in la xasuusto in dhaqdhaqaaqa jidheed uu debciyo jidhka qofka iyo awoodda uu u leeyahay in uu ka adkaado dhibaatada xiiqda. Dadka qaba xiiqdu waxa ay ka qayb qaadan karaan jimicsi nadaamsan, oo xataa ay ku sameeyaan meel qabow, waxase laga rabaa in ay iska adkeeyaan qabowga ka gelaya sanka iyo afka iyaga oo qaadanaya daawo sax oo ka hortag ah. Jimicsiga qofku samaynayaa waa in uu ahaado mid ku habboon qofka. Guud ahaan waxa habboon in aanay dadka xiiqda qabaa jimicsi ku samayn qabow ka hooseeya – 5 digrii.

Xiiqda qabowgu la mid ma aha xiiqda xasaasiyadda

Xiiqda xasaasiyaddu waa xasaasiyad ku dhacda maqaarka qofka, gaar ahaan marka ay taabtaan biyaha aad u qaboobi. Xasaasiyadda maqaarka ee ka dhalata dhaxanta ama biyaha qaboobi waxa ay qofka ku keeni kartaa dhibaato xoog leh sida barar xoog leh oo fuula qaybo badan oo jidhka ka mid ah. Xasaasiyadda qabowgu waxa ay sababi kartaa shoog xasaasiyadeed (allergisk sjokk). Xasaasiyadda qabowgu waxa ay inta badan ka dhalataa ku dabbaalashada biyo xoog u qabow.

Qabowga iyo wasakhowga walxaha hawada

Magaalooyinka waaweyn iyo meelaha dadku ku badan yihiin maalmaha qabowgu jiro ee dabayshuna yar tahay haddii gaadiidka soconayaa uu badan yahay waxa ka dhalan kara in ay hawadu wasakhowdo oo ay ka buuxsanto gaas iyo walxo haweed sunaysani. ”Nitrogendoksid”, NO2 oo ka dhalata matoorada baabuurta (gaar ahaan baabuurta gabowday) ayaa waxa ay ka qayb qaadan kartaa wasakhaynta hawada. Gaar ahaan dadka xiiqda qaba ayaa wax ku noqon kara NO2 ga oo ay hoos u dhici kartaa shaqada sambabadu. Norway waxa si gaar ah hawada u wasakheeya qiiqa ka soo baxa matoorada diesal ka ah. Waxa kale oo wasakhaynta hawada ka qayb qaata gaadiidka iyo shiditaanka xaabada ee maalmaha qabow. Qiiqa badan ee ka soo baxa moofooyinka xaabada lagu shido ee ah noocii hore ee gaboobay ayaa sii daaya qiiqa ugu badan ee wasakheeya hawada. Qiiqani waxa uu dhalin karaa siina xoojin karaa xanuunada aan maarada bogsasho lahayn ee ku dhaca hawamareenka. Qiiqani waxa kale oo uu xambaari karaa unugyada dhaliya xasaasiyadda.

Iska ilaalin/ ka hortag

Madax shareerka loo yaqaanno ”Jonas varmemaske” ee uu sameeyo ururka xiiqda iyo xasaasiyadda ee Norway ” Norges Astma og allergiforbund” ayaa la iskaga ilaalin karaa hawada qallalan iyo tan qabow labadaba waxana uu ku habboon yahay dadka qaba xiiqda ee ay dhibto hawada qaboobi. Madax shareerkani waxa kale oo uu qofka ka ilaalinayaa qabowga marka uu ku jimicsanayo meel qabow. Koofiyad, qoorxidh iyo iskaaf  ayaa hawada diirinaya inta aanu qofku neefsan ee aanay gelin sambabada. Sidaa darteed ayaa waxa hoos u dhacaya dhibaatadii haysatay xiiq-qabayaasha iyo dadka kale ee ay ku adag tahay in ay sanka ka neefsadaan marka qabowgu badan yahay. Xafiiska daryeelka dadweynaha (trygdekontoret) ayaa ku caawin kara haddii uu ku taliyo dhakhtar takhasus ku leh dawooyinka gudaha ama caafimaadka sambabada in aad isticmaasho madax shareerka.

Xiiqda ka dhalata qabowga waxa jirta daawo lagaga hortago (bricanyl ama ventoline), daawadan oo kala durkisa marinka hawamareenka oo markaa qofka ka yaraysa xanuunka. Haddii qofku si fiican wax uga gashado oo uu isticmaalo daawo ka hortag oo sax ah, uma baahna qofka xiiqda qabowga qabaa in uu ka baqo in uu dhaqdhaqaaq debedda ku sameeyo marka uu jiro qabow xataa gaadhi kara -15 digrii.

Laakiin xanuunka xiiqdu waa mid kala duduwan oo ku xidhan qofka uu hayo oo isla markaana isbedbedel badan, dadka qaar ka mid ah ayaa uu qabtaa marka ay inyar oo qabow ah dareemaan. Waxa markaa muhiim ah in uu qofku barto oo fiiro u yeesho xanuunkiisa oo uu markaa tixgeliyo xaaladda uu ku jiro.

Waxa kale oo muhiim ah in la ogaado in dadka waayeelka ah, dadka xanuunsanaya iyo carruurtu ay dadka kale uga nugul yihiin qabowga xoogga ah. Carruurta yaryari ma ma laha awood ay sida dadka waaweyn u sheegtaan dhibaatada ku imanaysa marka ay ku kacdo xiiqdu. Dhaxanta xoogga ahi wxa kale oo ay qofka ku keentaa dhibaato kale oo caafimaad, sida tusaale ahaan qadhqadhyo ku dhacda xubnaha. Jidhka waxa soo gaadhaysa dhibaato badan marka ay ku dhacdo hawo aad u qabow oo ay weheliso dabayl iyo ruduubadi (fuktighet).