logo for printversjon

Mudan in wax laga ogaado Xiiqda (astma)

Dato publisert: 2007/05/01 Sist oppdatert: 2007/07/03nb

Waa maxay xiiqdu?

Xiiqdu waa caabuq joogto ah oo qofka wadooyinka hawadu marto ee jidhkiisa ku dhaca, keenana in ay xuubabka xabka ee jidhkiisu bixiyaan dareemo diidmo, hawada oo aanu si fiican u qaadan ama qufac.

Waa maxay sababta keenta cidhiidhiga?

Xiiqda waxaa kicin kara waxyaabo kala duwan (xasaasiyad, sigaarka oo la cabo, dhas, hawo wasakhaysan, ceeryaan (dhedo) hawo qallalan, dhaxan, gaas, ur adag, daal, dawooyin, jidhka oo laga shaqaysiiyo, infekshan fayras keeno).

Maxaa ku dhaca hawo-mareenka?

Saddex wax oo mid kastaba si gaar ah raad ugu leeyahay kicitaanka xiiqda ayaa jira;

  • Isku roor ku yimaadda muruqyada hawo mareenka ku xeeran.
  • Caabuq ku yimaada xuubabka xabka ee hawo-mareenka oo aanu infakshan ugu wacnayn. Caabuqani wuxuu keenaa barar ku yimaaada xuubka xabka, sidaa daraadeed laabta qofka ayaa cidhiidhi gasha. Shaqada jidhku samaynayo ee hawada uu ku soo qaadanayo ayaa badata, waxaanay keentaa in qofku dareemo neefsashada oo ku adkaata.
  • Xab isku urursada  hawo-mareenka.

Yey xiiqdu ku dhacdaa?

Xiiqdu waxay noqon kartaa mid la kala dhaxlo waxaanay badanaaba wadataa canbaar iyo xasaasiyad. Xiiqda nooca aan dhaxalka ahayn waxaa sabab u ah qofka oo infekshan kaga dhaco hawo-mareenka, ama waxyeelo ay ku keentay hawo wasakh ah iyo weliba sigaar cabista dadka fursadoodu badan tahay in ay qaadaan xiiqda.

Sida xiiqda loo daweeyo

Ujeeddada laga leeyahay daweeynta xiiqdu waa in uu qofku la noolaado isaga oo aan dareemeyn caqabado dhinaca nolol maalmeedkiisa ku yimaada, xiiqda ku soo booditaankeeda oo yaraada iyo sambabada oo si fiican u shaqeeya.

Nuugitaanka dawooyinka xiiqda ayaa ah kuwa la isticmaalo marka la daweeynayo xanuunkan. Daaweyntu waa in ay noqotaa mid loo qiyaasay qofka qaadanaya oo loogu talagalay, marka ay noqoto qiyaasta iyo inta goor ee uu nuugayo dawada.

  • Daawooyinka muddada gaaban wax tara. Waxaa la isticmaali karaa marka qofka uu naqasku qabto ee neefsashadu ku adkaato. Waxaa kale oo uu qofku isticmaali karaa ka hor inta aanu samayn hawl jidhka firfircooni galinaysa oo khibrad ahaan ka mid ah sababaha keena in qofka naqasku ku adkaado. Daawadani waxa ay shaqeysaa muddo 3-4 saacadood ah.
  • Daawooyinka muddada dheer shaqeeya. Waa kuwo qofka xiiqda qaba ku kicitaanka xiiqda muddo ah ilaa 12 saacadood.
  • Dawada xiiqda ee ka hortaga. ”Kortison” oo la nuugo, subaxdii iyo habeenkii ayaa la qaataa (maalin kasta). “Kortison” oo sidan loo qaataa waxay keenaysaa in aanay dhicin in uu qofku dareemo waxyeelada dawadu keento ee laga qaadi karo “kortison” ta nooca kiiniinka ah.
  • Dawada xiiqda ee ka hortaga. ”Leukotrien-antagonist” waxaa keliya oo la helaa iyada oo kiniin ah, waxaa la liqaa maalintii hal mar. Waxana ay wax ka tartaa caabuqa ku dhaca xuub-xabeedka sanka ee loo yaqaano „rhinitt“.
  • Dawooyinka isku jirka ah waa qaar isku dar ah oo isagu jira qaar ka hortag iyo qaar difaac oo isku weel ku jira.
  • Qofka xiiqda nooca khatarta ah leh waxaa muhiim u noqon karta in uu isticmaalo ”kortison” nooca kiniinka ah. Waxaa arintan loo samayn karaa iyada oo qofka la siiyo daaweyn la soo habeeyey (kur) ama mararka qaarkood dawo isku ilaalin marka ay xiiqdu tahay mid khatar ah. Daaweynta noocan ahi waxay si weyn wax uga tartaa caabuqa hawo-mareenka. Inta badan dawada la soo habeeyey waxaa ay socotaa laba toddobaad.

Cidda ay ku dhacdo

Xiiqdu waxay ku dhacdaa qiyaas ahaantii 10-12% carruurta iyo dhallinyarada Norway ka mid ah, iyo qiyaastii 8 % dadka waaweyn ka mid ah. Natiijooyinkii ka soo baxay baadhitaankii weynaa ee deegaanka- iyo xiiqda caruurta ee uu sameeyey cisbitaalka Ullevål universitetssykehus, kaas oo la socod ku sameeyey in ku dhaw 4000 oo carruur ah oo Oslo deggan laga bilaabo markii ay ahaayeen labada sanadood waxay tusaysaa in 20 % caruurta ka mid ihi ay qaadeen xiiq ama ay haysey ilaa iyo inta ay ka gaadhayeen toban sanadood gudahood. Korodh siman oo uu xanuunkani soo kordhayey ayaa jiray 40- kii sanadood ee ugu danbeeyey.

Qiyaasahani waxay la mid yihiin kuwa ka soo baxay baadhitaano kale oo badan oo wadamo badan oo yurub ah laga sameeyey. Wadamadan ma jiraan mid la mid ah Ingiriiska marka la eego xagga badnida, halkaas oo xanuunkani uu hayo in ka badan 32 % ka mid ah da’da 13-14 jirka ah.

Sabab/ka hortag

Sababaha ugu wacnaan kara in xiiq la qaado ayaa ah qaar kala duwan. Xasaasiyaddu waa qayb muhiim ah, waxaana jirta in inta ugu badan ee carruurta xiiqda leh ay sidoo kale leeyihiin xasaasiyad. Waxaa arintan ugu wacnaan kara hidde. Xiiqda carruurta marka ay yaryar yihiin ku dhacda marka la barbar dhigo ta ku dhacda dadka waaweyn waxyaabo badan ayay ku kala duwan yihiin. Laakiin sigaarka oo uu qofku hawada ka qaato, iyo infekshanada ayaa ah khatar ay isaga mid yihiin.

Cilmi baadhayaashu weli ma oga sababta ay u badanayso xiiqdu dadka ay ku dhacaysaa. Waxaa ugu wacnaan kara sababo xagga deegaanka ah, iyo qaar xagga hab nololeedka ahba. Wax loo yaqaan malaha xagga nadaafadda oo ku salaysan baadhitaan lagu sameeyey carruurta iyaga oo yaryar qaada xasaasiyad, ayaa waxay u eeg tahay natiijada ka soo baxday in ay tahay in carruurtaasi marka ay waynaadaan jidhkoodu sameeyo difaac uu kaga hor tegayo xasaaasiyadda. Arintani waa mid tijaabo lagu sameeyey xagga xayawaanka dhogorta leh ah.

Talo muhiim ah oo lagaga hortagi karo in ilmaha xasaasiyadi ku dhacdo isla markaana ay sii noqoto xiiq, waxa weeye isaga oo sigaarka aan lagu ag cabin.

Carruurta ka soo jeeda waxa loogu yeedho qoysaska khatarta sare ku jira, ee dhaxalku qayb muhiim ah ka qaato xiiqda iyo xasaasiyadda ilmuhu qaadi karo. Waxaa lagula talinayaa in ay iska ilaaliyaan jiinska xasaasiyadda keena (sigaarka, xayawaanka, iyo waxa qudhmay, taas oo ay ugu wacantahay qoyaan, wax ku dhashay iwm) ee guriga dhexdiisa ah.

Dugsiyada xiiqda

Dugsiyada xiiqda (Nasjonal plan for Astmaskoler-NPAS) waxay culayska saaraan aqoonta, daaweynta iyo ka hortaga xanuunkan. Dugsiyada xiiqdu dhaqaale ahaan wey taag daran yihiin, sidaa daraadeed NAAF waxa u taalla hawl aad u muhiim ah sidii ay dugsiyadaa u sii wadi lahayd.

Xarumo daaweyneed

Cisbitaalka carruurta ee ”Geilomo” waa cisbitaal dib u-carbin iyo daaweyneed oo ay NAAF leedahay, waxaana loogu talagalay in uu caawiyo carruurta xiiqda, xasaasiyadda iyo canbaarta qabta ee dalka oo dhan. Dhakhtarka qofku waa in uu codsiga soo gudbiyaa.

Qorshaha dowladda dhexe ee safarada daaweynt (Statens behandlingsreiser) waxay caawisaa 170 carruur ah oo qaba xiiq/canbaar sannad kasta. Inta lagu taliyey ee ku qoran qorshaha safarada daaweynta ee dalka debediisa (NOU 2000:2 Behandlingsreiser til utlande) ayaa ah in tiradan la kordhiyo oo laga dhigo sanadkiiba 1000 qof. Foomamka codsiga (IK1167 iyo IK1167b) ayaa waxaa laga helayaa xafiiska daryeelka bulshada (trygdekontoret). Dhakhtarka ayaa soo dalbaya.

Xarunta caafimaadka norwejiga (Det Norske Helsesenter, Valle Marina) oo ku yaala Gran Canaria waxaa leh kana shaqaysiiya NAAF. Haddii la doonayo in la tago”Valle Marina” waxaa laga ballansan karaa waaxda safarada caafimaad (Helsereiser as), tel. 22 79 92 00.

Waxaa kale oo jira goobo kale oo u kuurgal, daaweyn iyo dib u habaynba loogu sameeyo dadka xanuunada hawomareenka ee joogtada ah leh: Selli, Granheim, Glittreklinikken, Valnesfjord, Røros iyo qaar kale oo badan. La xidhiidh NAAF (ta kuu dhaw) si aad u heshid faahfaahin dheeraad ah.