logo for printversjon

Mudan in wax laga ogaado CANBAARTA (eksem)

Dato publisert: 2007/05/01 Sist oppdatert: 2007/07/03nb

Waa maxay canbaartu?

Canbaartu waa magac guud oo loogu yeedho cudurro kala duwan oo maqaarka ku dhaca, keenana cuncun. Noocyada caadiga ah ee canbaartu waa canbaarta hiddaha ee loo yaqaano ”atopisk eksem”, canbaarta xidhiidhka, canbaarta loo yaqaano ”seborroisk” iyo canbaarta xafaayadda.Atopiwaxaa loola jeedaa wax si kale ah, halkana waxay noqonaysaa in maqaarka jirku uu nooc kale yahay. Waxaa loo isticmaalaa tilmaamidda canbaarta la kala dhaxlo nooceeda xasaasiyadda leh.

Canbaartu waxay noqon kartaa mid soo noqnoqota, taas oo loola jeedo in ay qofka muddo dheer hayn karto ama ay ku soo booddo noqon karto. Dadka badankiisuna waxay ka ladnaadaan xiligga kulaylaha, waxaanay ku soo kacdaa xiligga qaboobaha. Nooca joogtada ah waxaa lagu gartaa nabaro cuncun leh. Cuncunka awgii ayaa waxa samaysma maqaar adag oo in uu dilaacaa ay fududahay. Nooca ku soo boodadda ah ayaa waxaa ku badan maqaar casaan ah oo bararsan isla markaana cuncun iyo dheecaan leh.

Marka uu difaaca jirka ka difaaca infakshanku uu taag daraado ayaa canbaar la qaadaa. Waxaanay taasu fududaysaa in uu caabuq mararka qaarkood in ay meeshu qudhunto keenaa uu yimaado.

Yey canbaartu ku dhacdaa?

Ugu horeyntii carruurta yaryar ayay ku dhacdaa canbaarta nooca hiddaha ee loo ayqaano ”atopisk”. Qiyaas ahaantii waxaa loo malaynayaa in carruurta norweyjiga ah 15 % ay qabaan canbaar.  Sida caadiga ah wuxuu cudurku bilaabmaa marka ay carruurtu bilo keli ah jirto, waxaanu ka tagaa 60 % ilaa iyo inta ay ku gudo jiraan sannadka 4 aad. Laakiin wuxuu soo noqon karaa marar danbe, marka ay dhalinyarada yihiin iyo marka ay dad waaweyn yihiinba. Canbaarta nooca xidhiidhka inta badan ma aha wax qofka ku dhaca inta uu ilamuhu yar yahay, laakiin waxaa soo badanaysa carruurta da’da dugsiga ku jirta ee ay hayso. Dhegaha oo la dalooshado, biro jidhka la sudho iyo bir aan nadiif ahayn oo maqaarka la taabsiiyo ayaa waxay badisay aragtida la arkayo noocan.

Nooc Seborroisk waa mid dadka iskaga dhacda. Waxaa uu qofka ku dhici karaa marka uu ku jiro bilaha ugu horeeya ee noloshiisa, laakiin waxay caadi tahay in ay qofka ku dhacdo marka uu qof weyn yahay.

Calaamadahee lagu gartaa canbaarta?

Canbaarta hiddaha ee ”atopisk eksem” waxay keentaa maqaar qalalan oo cuncun leh.

Canbaarta waxa maqaarka jirka taabta laga qaado oo markaa cusub ama dib u soo noqotay waxay keentaa maqaarka oo casaada isla markaana bararsan oo ay ka soo baxeen finan yaryar iyo qaar waaweyn oo dheecaan nabaro lehi ay ka samaysmeen meelihii xidhiidhka tooska ah la yeeshay sababtii keentay canbaarta. Haddii canbaarta noocan ahi ay qofka in badan haysay, waxaa maqaarka ku dhaca qalayl iyo dildilaac. Cuncun aad ahina waa wax caadi ah. Bilawga waxay canbaartanu ku kooban tahay qaybta maqaarka ka tirsan ee xidhiidhka la samaysay wixii kalifay ee uu maqaarku dareenka ka bixiyey. Laakiin waxoogaa ka dib waxaa dhici karta in uu meelo kale oo maqaarka ka tirsan ku fido.

Canbaarta nooca ”seborroisk” ee carruurta yaryar ee dhalatay ku dhaca waxaa lagu arkaa maqaar dufan leh oo cas, iyo qolof dufan leh wejiga intiisa sare, basadda, wejiga, qoorta iyo hoostaba. Dadka waaweyn ta ku dhacdaa waa mid cad, dufan leh oo maqaarka  qaybaha dhexe ee wejiga, basada, dhegaha dabadooda iyo naasahaba ay ka kacayaan qolof. Canbaarta nooca xafaayaddu ay keento waxa ay jidhka qaybta ay qabato xafaayaddu ku samaysaa midab cas oo gacantu ka siibanayso, yeelan kartana dheecaan.

Sababta keenta canbaarta:

Sababta keenta canbaarta hiddaha (atopisk) lama garanayo. Xasaasiyadda ayaa qaybo ka mid ah raadaysa, laakiin taas oo keli ah ma aha. Waa xanuun ay qayb ka ciyaarayaan hiddaha iyo deegaanku. Waxaa caadi ah in qaybo qayska ka mid ahi ay leeyihiin xanuunadda hiddaha ee loo yaqaan ”atopiske sykdommer” (xiiq, canbaar ama sanboor). 20-30% ka mid ah dadka qaba canbaartan ayaa laga heli karaa xasaasiyad qaarkood qayb ka qaadanaysa canbaartooda.

Sababta keenta cambaarta nooca ”seborroisk” maaha dareen diidmo, laakiin waa xanuun ka yimaada qanjidhada loo yaqaano ”talgkjertlenewaxaana laga yaabaa in ay ugu wacan yihiin walxo gaar ah oo loo yaqaano ”gjærsopper” oo sida caadiga ah maqaarka laga helo. Dadka leh maqaar dufan leh ee uu jidhkiisu soo saaro kimiyad badan oo ah dufanka loo yaqaano ”talg” ayuu inta badan ku dhacaa.

Canbaarta xidhiidhka waxay timaadaa marka maqaarka la taabsiiyo walax uu dareen diidmo ka bixiyo. Xaaladu markaa waxay noqon karta mid xaasaasiyad leh ama mid aan xaasaasiyad lahayn. Dareenka aan xaasaasiyadda keenin wuxuu ka dhashaa marka maqaarku si toos ah u taabto waxyaabaha dhiba sida saabuunta wax lagu dhaqo oo kale, biyaha iyo sunta infekshanka lagu dilo. Ka xaasaasiyadda keena waxaa ugu wacan oo dhaliya walxaha keena xasaasiyadda sida ”nikel”, krom”, caaga, gaas ur xun leh oo oo loo yaqaano ”formaldehyd” iyo cadarka. Sababta ugu wacan ka soo baxa ay xafaayadu keento waa maqaarka oo diida kaadida iyo saxarada.

Daaweynta canbaarta

Nadaafad wanaagsan, qaab joogto ah oo kiriimka iyo boomaatada maqaarka loo mariyo, in laga hortago qalayl ku yimaada maqaarka, xoqidda oo laga ilaaliyo, waxyaabaha xasaasiyadda keena oo la dhimo iyo in la iska daayo cuntooyinka la yaqaan ee sababta u noqda ayaa ah sida ugu haboon ee canbaarta wax looga qaban karo. Qorraxda iyo biyo cusbo (milix) leh oo lagu maydho ayaa u wanaagsan canbaarta fudud iyo midda dhexdhexaadka ahba. Kiriimka (kortisonkrem) ayaa badanaaba ah mid lagama maarmaan ah oo loo isticmaalo. Waa la isku halayn karaa haddii dawo sax ah la isticmaalo isla markaana meesha saxda ah ee jidhka kaga habboona la mariyo iyada oo wakhti sax ahna la marinayo. Dhakhtarka ayaa talo ka bixin kara habka loo samaynayo.

Guud ahaan waxaa la odhan karaa in ay tahay in uu qofku isticmaalo dawo awood leh in muddo ku filan ah. Haddii uu qofku isticmaalo daawo awood yar uma suurtogalayso in uu canbaarta xakameeyo. Natiijadu badanka waxay noqotaa canbaarta oo ka si darta. Kacdoonka ay canbaartu ku soo kacdo carruurta hore u soo qaaday, waxaa looga bilaabi karaa qaybta labaad (gruppe 2) ama 3-aad (steroid). Marka xaaladdu noqoto mid ka soo raysay ayaa waxaa la bilaabi karaa in mararka meesha la marinayo dawada la yareeyo. 2-dii ama 3-dii maalmoodba marbaa laga dhigi karaa. Marka canbaartu tagto waxaa wanaagsan in la sii wado maritaanka dawada 1-2 mar toddobaadkii si ay u suurtogasho in ay natiijada ugu wanaagsani soo baxdo. Waxaa kale oo lagu talinayaa in uu qofku caado ka dhigto in uu isticmaalo kiriimka lagu dhaashto subaxdii iyo habeenkiiba, iyo weliba markasta oo uu qofku qubaysto. Haddii dawadu tahay nooca (kortisonkrem), qofku waa in uu sugaa daqiiqado ka hor inta aanu jidhkiisa marin kiriimka kale ee lagu dhaashto (fuktighetskrem)

Kiriimyada canbaarta ee aan lahayn maadadda ”kortison” (Elidel®, Protopic®) ayaa iyagu noqon kara qaar la isticmaalo, waxaana wanaagsan in lagu isticmaalo canbaarta nooca joogtada ah. Faa’iidadda ay leeyihiin kuwanu waa in aanay wax isbedel ah u gaysanahayn dhumacda maqaarka jidhka, xataa hadii mudo dheer la isticmaalo. Waxaanay noqon karaan qaar si degdeg ah wax uga qabta canbaarta.

Daaweynta iftiinka korontada iyo qofka oo u baxa meel cimilo kale leh ayaa iyaguna wax ka tari kara canbaarta. Laakiin dadka qaarkood way uga sii dartaa iyada oo ay ugu wacnaan karto maqaarkooda oo diidan dhididka. Daaweynta noocan oo kale ah waxaa ay u baahan tahay wakhti iyo hawl badan sidaa daraadeed badanaaba maaha mid ku habboon carruurta ku jirta da’dii iskuulka. Natiijo fiican oo laga helo daaweyntu waxay ku xidhan tahay qofka oo warbixin fiican laga siiyo qaabka daaweynta. Canbaartu waxay noqon karta xanuun aad u dhib badan, laakiin haddii wax ka qabadkeeda hore loo bilaabo, badanaaba waxaa dhacda in xanuunkan la kontorooli karo. Nasiib wanaag xaaladanu iyada ayaa iska dhamaata- 80 % xanuunkanu wuu ka tagaa marka ay da’doodu gaadho 18 sanadood. Waxaana dhici karta in daaweyn fiicani ay qiyaastan wanaajin karto.

Waxyaabaha keeni kara in ay ka sii darto

Dhar taagan oo ku dhagsan, cudbiga qalafsan, ”Polyester”, dharka midabka adag leh, qoyaan, culays maskaxeed iyo jidheedba, infekshanka, waxyaabaha la cuno, biyaha koloriintu ku jirto, sigaar cabista, cadarka, xasaasiyaddaha, saabuunta alkalikada ah, sun dufan leh iyo kulaylka. Ilamahu isagaa ugu habboon oo garan kara marada cuncunka keenaysa!

Ka hortaga canbaarta:

Baadhitaanada qaarkood ayaa waxaa ka soo baxday in astaamaha lagu garto canbaarta nooca ”atopisk” laga hortegi karo haddii ilmaha caanaha hooyada la siiyo lixda bilood ee noloshiisa ugu horeysa. Laakiin si kastaba waa wax wanaagsan in ilmaha naaska la nuujiyaa. Waxa kale oo wanaagsan in hooyadu iska dayso cuntooyinka aanay cuni karayn inta ay uurka leedahay, xataa haddii aan la ogeyn in ay ilmaha wax u gaysanayso.

Caawimo sidee loo helaa:

Haddii ay nooca canbaartu tahay mid markiiba carruurtu ka bogsadaan waxaa keli ah oo ku filan talo iyo tusaaleyn laga heli xarunta xanaanada caafimaadka (helsestasjon). Haddii ay tahay mid daran waxaa lala xidhiidhayaa dhakhtarka joogtada oo haddii loo baahdo u sii gudbin kara dhakhtar takhasus leh. Habka doorashada dhakhtarka ee Norway (Fritt sykehusvalg Norge) ayaa waxaa ay suurtogelinaysaa in ay qofka siiyaan warbixin uu wax ku kala door doorto. Goobtan internetka iyo telefoon lambarkan bilaashka ah, 800 41 004, ayaad ka helaysaa warbixin ku saabsan goobo daaweyneed. Habka doorashada dhakhtarka ee Norway waxaa kale oo ay bixiyaan warbixin ku saabsan xaqa doorashada cisbitaalka. Eeg www.sykehusvalg.no