Dhaqitaanka wanaagsani waxa uu keenaa caafimaad wanaagsan
Wasakhda iyo dhasku waxay tayada deegaanka gudaha ka dhigaan mid aan wanaagsanayn, taasina waxay keeni kartaa in qofka xasaasiyadda iyo dareemadda kale ee diidmo ee hayaa ay ka sii daraan. Meelaha qoyan, tusaale ahaan xamaamka wasakhda ku timaadaa waxay keeni kartaa in noole yar-yari ku dhasho.
Dhaska caadiga ah ama wasakhda hawada ee ka jirta deegaanka guriga, goobaha shaqada iyo dugsigu waxa ay noqon kartaa mid ka kooban dhoobo, wax jidhka qofka ka daata, manka (pollen), walxaha loo yaqaano “allergener” ee ka yimaada xayawaanka, raadka likaha (soppspor), qiiq, ciid iyo qashinka hadhaaga cuntada. Walxaha xasaasiyadda keena iyo waxyaabaha kale ee kiciya ayaa waxay ku dhex darmaan dhaska. Qaybaha kala duwan ee dhaska cabirkoodu wuu kala duwan yahay. Sida caadiga ah waa qaar aad u yaryar, taas oo keenta in ay duul-duulaan isla markaana qofku nuugi karo. Mar kasta oo cibirkoodu yaryahay waxaa suurtogalaysa in ay ku sii dheeraadaan oo ay ku fogaadaan sambabada. Arintani waxay macno weyn u samayn kartaa caafimaadka qofka. Sidaa daraadeed ayaa dhaqitaanku uu caafimaadka muhiim ugu yahay.
Dhibaatooyinka caafimaad ee dhaqitaanka oo laga tago ama si khaldan loo sameeyaa uu keeno
- Dareen diidmo oo ku yimaadaa indhaha, sanka iyo cunaha
- Sanka oo xidhma
- Sanboor
- Madax xanuun
- Canbaar
- Xiiq
- Xasaasiyad
Dhibaatooyinka caafimaad dadka ayey ku kala xidhan tahay. Carruurta ayaa si gaar ah ugu nugul.
Ilaha wasakhda ee guriga
Sigaarka
Sigaarku waxa uu ka kooban yahay walxo si qoto dheer isugu dhafan oo dhowr kun kiimiko ah, waxana uu caafimaadka dhaawac u gaadhsiiyaa si weyn. Cabitaanka sigaarka waxaa si toos ah loola xidhiidhiyaa keenida xiiqda, iyo qofka oo uu ku dhaco xanuun sambabada ah oo joogto ah (Kols). Taas oo cidda ay ku dhacaysaa ay tahay ka cabaya iyo ka lagu ag cabayo labadaba. Sigaar cabistu ma aha in ay ka dhacdo meel gude ah sida guri gudihii oo kale.
Hiitaradda
Hiitarada furan ee wax dhex mari karaan waxay keenaan dhas. Kuwa gaboobay ee xaabada lagu shidaana waxay wax u dhimi karaan hawada deegaanka gudaha. Wax yaabaha kale ee la isku diiriyo sida tusaale ahaan (peisovn) weliba kuwa da’da ahi waxay keeni karaan madow badan oo guriga ay gaadhsiiyaan iyo qiiq.
Roogga dhulka la dhigo
Roogaggu waxa ay u eekaan karaan qaar nadiif ah iyaga oo haddana ay saarnaan karaan wasakho hawada geli karaa. Hawo gelitaanka dhaska roogaggu waxa ay dhibaato ku noqon kartaa hawada gudaha ee guriga. Waxaana dhibaatada ka mid ah hawada oo qalayl noqota iyo maqaarka jidhka oo dareen diidmo bixiya. Maydhaxda uu rooggu ka samaysan yahay ayaa keeni karta dhas badan marka uu gaboobo.
Urta cuntada
Urta cuntada iyo karka marka cuntada la karinayo ama la dubayo waxay noqon karaan qaar dhibaato dareen diidmo u keena xasaasiyadda dadka leh.
Meelaha dhasku isku urursado
Dhasku wuxuu si fudud isugu urursadaa alaabta dusha adag sida tusaale ahaan meelaha wax la dhigto ee derbiyada ku yaala, alaabta guriga ee culus, daahyadda waaweyn, alaabta guriga lagu qurxiyo, barkimooyinka ayaa iyaguna dhas badani ku ururaa. Kabadhada furan, iyo kuwa aan si fiican u gaadhin saqafka sare ee guriga ayaa iyaguna ah meelaha dhasku fuulo. Dooro derbi fudud oo siibsiibanaya isla markaana ay fududahay in la nadiifiyaa. Isticmaal kabadho iyo meelo kale oo xidhan ama dabool leh, halkii aad wax kaga ridi lahayd kabadho furan ama karaatoon.
Waddooyinka tarafikaddu ku badan tahay
Dhismayaasha la dego, ama laga shaqeeyo iyo iskuulada kuwa u dhaw wadooyin gaadiidku ku badan yahay waxaa soo gala dhas iyo wax la mid ah oo soo raaca habka hawada iyo meelaha kale ee furan ee dhismaha ku yaala
Habka-hawada ee dhismaha iyo wadooyinka ay maraan
Habka isbedbedelka hawada ee guriga ku rakiban haddii uu yahay mid wasakhi ka buuxsantay ama shaandhooyinka ku jiraa ay gaboobeen, taas waxay keeni kartaa in hawada ay dib u soo qaadayaan ee ay guriga gudihiisa ku soo celinayaan ay noqoto mid wasakhaysan. Waxaa kale oo jira in daynabada dabka isku soo ururisaa ay tahay meel iyadana dhasku doonto.
Haysashada xayawaanka
Maqaarka, toxobta, timaha iyo qanjidhada xayawaanka haraga leh iyo shimbiraha ayaa waxaa ay samayn karaan walxaha xasaasiyadda oo ku dhex wareega hawada guriga dhexdiisa. Waxa kale oo dareen diidmo oo xasaasiyadeed kicin kara cuntada xayawaanka, iyo meesha lagu hayo haddii lagu shubo qashinka faaradda.
Waxyaabaha laga aaminsan yahay dhaqitaanka
Norway waxaa in badan dhaqan ka ahaa in dawooyinka dhaqitaanka oo nooc adag ah aad loo isticmaalo. Dad badan waxaa u caado ah in ay isticmaalaan biyo badan oo saabuunta dhaqitaanka lagu qasay, isla markaana ay u maleeyaan in taasu tahay sida ugu haboon ee wasakhda wax lagaga qaban karo. Qoyaanka iyo kulaylkuba waxay keenaan in bakteeriyada iyo waxyaabaha kale ee dhashaa ay meel isku urursadaan oo ay ku koraan. Dhulka qoyani sidoo kale waxa uu u yahay bakteriyada iyo caaryada goob barwaaqo oo ay ku koraan.
Guryaha iyo dhismayaasha la dego ee norweyjiga waxay ahaan jirtay, welina tahay in la isticmaalo saabuunta cagaaran (grønnsåpe) taas oo ay ugu wacan tahay in saabuunta noocan ah loo malaynayo in ay tahay nooc nadiifta xidhiidh la leh. Weli dad badan ayaa waxay u malaynayaan in ay xidhiidh leeyihiin saabuunta cagaaran iyo nadaafadu. Saabuunaha wax lagu meydhaa waxay dhaawac u gaysan karaan alaabta guriga gudeheeda taala, isla markaana waxay kicin karaan dareen diidmo oo xasaasiyadeed.
Waxyaalaha wax lagu dhaqo
Waxa suuqa Norway yaalla waxyaalo badan oo dhaqitaan oo noocyo kala duwan leh. Saabuunta dhiqitaanka waxaa ku jira kiimikooyin kala nooc ah oo badan. Sidaa daraadeed waxaa adkaan karta in la kala door doorto. Tusaale ahaan saabuunahan waxaa ku jiri kara maadooyinka ”ammoniakk”, ”klor”, daawo qasitaan, cadar, walxo tayoxejineed iyo midabo. Cadarka iyo midabadu ma aha qaar milma sidaa daraadeed waxay culays u gaysan karaan deegaanka guriga dhexdiisa iyo caafimaadkaba.
Habab iyo hawlgallo dhaqitaan oo fiican
Dhulka
Hababka qalaylka ah ee wax loo dhaqaa waxay keenaan deegaan gudaha gurigiisa ah oo wanaagsan. Waxaa kale oo uu habka noocan ahi yahay mid fudud, isla markaana lagaga maarmayo dhaawac soo gaadha qalabka guriga iyo waxyeelo soo gaadha qofka caafimaadkiisa labadaba. Marka dhulka la maydhayo doorashooyinka la ala door dooran karaa way badan yihiin, waxaa tusaale ahaan la kala dooran karaa, masaxaad saliid leh (oljemopp), mid mar kaliya la isticmaalo (engangsmopp), mid dun ka samaysan (trådmopp) iyo mid laga sameeyey walxo la isku dhafay (syntetisk mopp). Masaxaadaha noocani waa qaar hoos taga nooca loo yaqaan hab-nadiifineedka qallalan (tørre rengjøringsmetoder) sidaa daraadeed biyaha iyo kiimikada ayaa ah qaar isticmaalkooda aan loo baahnayn. Heerka adag ee dhulka ku dhega waa muhiim in lagaga tirtoro masaxaadda yar (klut) oo qoyan, ama waxaa la samayn karaa biyo ayaa lagu shubi karaa meesha heerku ku yaalo oo qudha. Roogagga dhulka la dhigo ee aan ku dhegsanayn, dibadaa lagu hurgufi karaa waxaana lagu nadiifin karaa huufarada nooca caadiga ah iyo noocyada kala duduwan (sentralstøvsuger) ama huurafada leh shaandhada ”Hepafilter”.
Alaabta guriga la hoos dhigo (Inventar)
Marka la nadiifinayo qalabka guriga hoos yaalla tusaale ahaan miisaska, kuraasta hareeraha albaabada iwm. Waxa loo adeegsan karaa habka nadiifinta qallalan. Masaxaadaha nooca loo yaqaano ”mikrofiberklut” ayaa ka fiican masaxaadaha kale ee marada ah. Sidaa darteed masaxaadaha nooca ”mikrofiberklut” ayaa ka qaadi og dhaska oo kaga fiican masaxaadaha ka samaysan cudbiga ama marada. Alaabta dhas qabsiga leh iyo furaashyadu waxa ay u baahan yihiin nadiifin badan ama garaacid (dhastarin).
Habka hawo-mareenka guriga (Ventilasjon)
Nadiifin joogta ah iyo bedelid la bedelo shaandhada ku jirta ayaa muhiim ah. Xilliga xasaasiyadda manku jirto (pollen) waxaa muhiim ah in horaantiisa iyo gadaashiisaba la bedelo.
Hab-nadiifineed fiican oo lagu sameeyo gurigu waxa uu dowr ka qaadanayaa ka hortagga dhibaatooyinka xasaasiyadda. Waxa loo baahan yahay in la isku dhodhoweeyo xilliyada nadiifinta guriga marka lagu jiro xilliga xasaasiyadda manka (Pollensesong) iyo xilliga jiilaalka. Kulaylinta hawada guriga gudihiisu waxa keenaysaa in dhasku uu noqdo mid qallalan oo duul-duula.
Xamaamka iyo musqusha
Musqusha badanaaba waa mid ka kulayl badan oo ka qoyaan badan guriga intiisa kale, sidaa daraadeed waa in dhaqitaankeeda la badiyaa si bakteeriyada loo yareeyo.
Xilliga kulaylaha
Wasakh badan, ciid, dhooqo iyo doogga ayaa laga celin karaa in guriga lala soo galo haddii haddii albaabka hortiisa la dhigo dacsadaha adag ee cufka leh oo markaa la iskaga reebo. Xilliga kulaylaha waxaa talo wanaagsan ah in laga qaado rooggaga ama waxyaalaha kale ee dhulka lagu goglo guriga dhexdiisa.
Xilliga Qaboobaha
Waa wax caadi ah in qofku kadinka hor dhigto roogga adag ee loogu talogalay in qoyaanka kabaha lagu soo reebo, si aanay wasakhda iyo qoyaanku guriga u soo gelin. Waxa kale oo fikrad wanaagsan ah in qofku samaysto soone ”qoyaan” oo uu barafka iskaga soo reebo.