Qof kasta waa in ay u suurto gasho in uu dhir ag joogi karo.
Qofka dhibaato ay ku hayso xasaasiyadu waxaa u fududaan karta in uu yidhaahdo guriga, deegaanka iyo goobka shaqaduba waa in ay ahaadaan qaar aanay haba yaraatee dhiri oolin. Si uu qofku isaga hubsado in aanu ag joogin wax waxyeelo caafimadkiisa u gaysan kara. Markaas oo kale qofku wuxuu iska fogaynayaa qayb guud ahaan muhiim ah oo deegaankiisa ka mid ah, maadama ay u dhawaanta deegaanka cagaraan iyo dhirto wax aad ugu muhiim ah u yihiin hab nololaadkeena. Waxaa la cadeeyey in faa’iidooyin maskixiyan iyo qaar jidh ahaanba ahi ay ku jiraan ka ag dhawaanshaha deegaan cagaarani, marka la barbar dhigo mid aanu cagaarneyn. Goobaha dadweynaha ka dhexeeya waa in intii suurtogal ah ay noqdaan qaar ay isticmaali karaan dadka xasaasiyadda iyo dareemadda kale ee jidhka qabaa ay isticmaali karaan. Ciddii qorshaynaysa ku beeritaan dhir goobaha sida dhismayaaha dugsiyadda, xannaanooyinka carruurta, cisbitaalada, xafiisyadda adeega iyo weliba suuqyadda dukaamada ayaa waxaa saaran masuuliyad gaar ah.
Dhibaato caafimaad oo noocee ah ayay dhirtu keeni kartaa?
Xasaasiyadda dhirtu waa mid aad u badan isla markaana caan ah Magaca ”pollen” (manka) waxaa loogu bixiyey iyada oo ay kiciyaan waxyaabo ay sidaan waxa dhirtu hawada ku sii deyso oo manka ayaa eedda la saaraa maadaama ay iyagu sidaan walxaha xasaasiyadda kiciya. Dhirta xasaasiyadda dhalisa waxaa awoodu ku badantahay manka (pollen), kaasaana loogu magac daray xasaasiyaddan. Walxaha dhaliya xasaasiyadda waxaa kale oo laga helaa qaybo kale oo dhirta ka mid ah, gaar ahaan caleenta. Si gaar ah dadka dooga xasaasiyadda ku leh waxay taa dareemi karaan marka ay taabtaan meel doog leh, iyada oo aanay ka ag dhaweyn doog ubax dhalay.(Eeg wax ka ogow xasaasiyadda dhirta).
Dareenka urta ee uu qofku urinayo urta ka soo baxaysa dhirtu waa wax caadi ah. Dareenka noocan oo kale ah waxaa muhiim ah in qofku yeelan karo isaga oo aan qofkaasi ahayn qof xasaasiyad leh., isla markaana jidhku dareen aanu ka bixineyn walxaha kiciya xasaasiyadda ama tijaabooyin laga qaadaa aanay wax cadayn ah keeneyn. Qofka xasaasiyadda leh badanaaba iska xejintiisu way yar tahay.. Xuubka xabka ayaa ah mid uu raad ku yeeshay xasaasiyad nooc uun ah. Taasu waxay keentaa in calaamadaha xasaasiyadu soo baxaan marka qofku uriyo maadooyin ur oo aan xoog badan lahayn.
Dareenka maqaarka: Marka maqaarka jidhku taabto caleen, waxaa dhici karta in laga dareemo meesha caleentaasi taabatay.. Laakiin waxaa dhici karta in maadooyinka qofku nuugo isla markaana ay fidaan iyaga oo adeegsanaya wadooyinka dhiigu maro, isla markaana meelo kale oo jidhka ka mid ah qofku ka dareemo calaamado xanuun.. Dareen xanuun waxaa kale oo uu iman karaa haddii ay qofka soo gaadho qaybo yaryar oo ka mid ah waxyaabaha dhirtu hawada ku sii dayso. (Eeg wax ka ogow canbaarta).
Dareenka jidhka ee cuntooyinka kadib marka uu qofku cuno cunto khudrad ka samaysan, waxaa ugu wacnaan kara dhowr xaaladood.. Waxaa caadi ah in la kala saaro qofka oo cuntada xasaasiyadd ku leh iyo qofka oo aan cuntooyinka qaarkood jidhkiisu iska xejin. Dareemada xasaasiyadda ayaa ah ka ugu khatarsan, waxaana kicin kara qiyaas yar oo jinska xasaasiyadda ah (aEeg wax ka ogow xasaasiyadda cuntada).
Dareenka isu tallowga. Dad badan oo jidhkoodu dareen diidmo ka bixiyo manka (pollen) geedka (bjørk) ayuu sidaa si leeg dareen diidmo ka bixiyaa dhir, khudaar cagaaran iyo furuto kale intaba. Haddii uu qofku tusaale ahaan jidhkiisu dareen diidmo ka bixiyo ”bjørkfiken”, waxaa fududaan karta in uu yeesho xasaasiyadda cinjirka (lateksallergi). Tani waxay tusaysaa waxa loogu yeedho xasaasiyadda isu tallowga. Habka difaaca jidhku ma kala garanayo walxaha xasaasiyadda ee geedka (bjørk) iyo ka khudrada lafta leh iyo weliba cuntooyin kale oo gaar ah.(Eeg wax ka ogow Dareenka isu tallowga).
Dareenka dhirta sunta leh. Dhirta sunta leh waxaa loola jeedaa dhirta ay ku jiraan walxo keeni kara waxyeelo.. Tani waxay dhici kartaa haddii ay sii marto xuubka xabka ee indhaha, sanka, iyo wadooyinka hawada, maqaarka, mindhicirka ama habka jidhku u shaqeeyo kadib marka sunta qofku nuugo. Dhirta sunta lihi waa dhowr kun oo nooc, suntuna waa noocyo kala duwan.. Laakiin haddana khatar aad ah oo qof ku sumoobaa aad uma dhacdo. Arrintan waxaa ugu wacan in suntu sida caadiga ah iyada oo aan xoog badan lahayn ay caleenta ka soo baxdo, ama urta iyo dhadhankeeda ayaa ah mid aan loo adkeysan karin oo qofku aanu ku dhiiranahayn.
Dhirtee baa wanaagsan?
Markan oo kale waxaa dhirta loo qaybiyaa saddex nooc. Kuwo la ogol yahay, kuwo aan la ogolayn iyo qaar meel dhexe ku jira. Marka la doonayo dhir gudaha la soo dhigto kuwa lagu talinayaa aad bay uga tiro yar yihiin marka la barbar dhigo kuwa dibadda. Is bedbedelka hawada iyo xaalada guud ahaan ka jirta dibadda ayaa ah mid aad ugu duwan, waxaanay taasu keenaysaa qofku in uu iskaxejintiisa uu iska xejin karo dhibaatada ka haysata waxyaabaha carfaa in ay badnaanayso. Waxaynu bixinaynaa tusaalooyin yaryar oo dhir wanaagsan (Magacyadu waa af-noorweyji keliya):
Debedda
Dhirta:
Asal (Sorbus intermedia), blågran (Picea pungens), lønn (Acer), lerk (Larix), rogn (Sorbus aucuparia), tuja (Thuja).
Dhirta gaagaaban:
Hagtorn-arter (Crataegus), kornell-arter (Cornus), mure (Potentilla), mispel-arter (Cotoneaster)og Laan ubax (Rosa) aan dux lahayn.
Dhirta la koro:
Bergflette (Hedera helix), humle (Humulus), klematis (Clematis).
Ubaxa:
Akeleie (Aquilegia vulgaris), bergknapp (Sedum), fiol-arter (Viola), frøstjerne (Thalictrum), kattost-arter (Malva), løytnantshjerte (Dicentra spectabilis), marikåpe (Alchemilla), ridderspore (Delphinium), valmue-arter (Papaver).
Gudaha
Flittig lise (Impatiens), Grønnrenner (Chlorophytum), Midho-timireed (Arecaceae), Fuksia-arter (Fuchsia), Gjøgler (Mimulus), Husfred (Soleirolia), Ildtopp (Kalanchoë), Hawairose Hibiscus), Hortensia (Hydrangea), Tiin (Cactaceae), Tiin-caleemeed (Epiphyllum), Stueask (Radermachera), Erica (Erica), Gullranke (Philodendron), Sølvranke (Scindapsus pictus) og orkidé (Orchidaceae)- og Laan ubax (Rosa) aan dux lahayn.
Warbixin dheeraad ah xagee laga heli karaa?
Vennlige og uvennlige planter i vårt nærmiljø (kii soo baxay 2000) waa buug laga eegan karo qiyaas ahaantii 1000 nooc oo dhirta dibadda iyo gudaha ah, iyo raadka xaga caafimaadka ay ku yeelan karaan. Gode råd er grønne (2005) wuxuu bixinayaa talooyin guud ahaaneed oo wanaagsan kuna saabsan sidii dhirta gaarahaaneed iyo kuwa goobaha dadweynahaba loo xalin lahaa, si ay u noqdaan qaar ku haboon dadka oo aan waxyeelo lahayn. Waxaana la socda liistoyin dhir. Labada buugba waxaa soo saarta madbacad u gaar ah laanta NAAF ee gobolka Sør-Trøndelang (www.naafstrl.no), Waxaana laga balansan karaa isla meeshaa. Warbixin ku saabsan dhirta sunta leh waxaa haayadda dawladda ee bulshada iyo caafimaadku (Sosial- og Helsedirektoratet) soo saartay qoraal taxane ah oo ka mid ah taxanaha (Barn og forgiftninger), tusaale ahaan.:Viltvoksende planter-er de farlige? Buugaagtanu waa qaar laga heli karo farmasiiyadda wadanka oo dhan.