logo for printversjon

Mudan in wax laga ogaado ”KOLS” (kols)

Dato publisert: 2007/05/01 Sist oppdatert: 2007/07/03bag

Waa maxay ”kols”?

Magaca xanuunkan lagu soo gaabiyey ”KOLS” waxa uu u taagan yahay ”Kronisk obstruktiv lungesykdom” oo noqonaya xanuunka soo noqdoqda ee ku dhaca sambabada, waxa astaan u ah shaqada sambabada oo hoos u dhac joogto ahi ku yimaaddo. Arrintan waxa ka dhasha qaashada naqaska oo qofka ku adkaada iyo isaga oo ay hawadu cidhiidhi ka gasho oo uu ciijismo. Marinada hawada ayaa gala cidhiidhi joogto ah oo dhaliya in ay qofka ku adkaato in uu neefsado. Waxa kale oo ka mid ah astaamaha u gaarka ah ee lagu yaqaano cod ka soo baxa laabtiisa marka uu neefsayanyo, qufac iyo xaako badan. ”Kols” waa magac guud oo loo isticmaalo xanuunada ku dhaca sambabka iyo hawomareenka. 

Yuu ku dhacaa ”kols”?

”Kols” ka waxa uu qofku qaadaa ka dib markii ay dhuumaha hawomareenkiisa muddo dheer marayeen waxyaalo dhibaato u gaysanayey sida qiiqa sigaarka iyo qiiqa warshadada ka soo baxa. Dadka xiiqda qabaa haddii aanay sigaarka cabin waxa ay ula siman yihiin dadka kale qaadidda xanuunkan, laakiin dadka xiiqda qaba ee sigaarka cabbaa fursadda in ay xanuunkan qaadaan aad ayay uga badan tahay dadka kale ee aan xiiqda qabin. Tirakoob la sameeyey waxa ku cad in 95 % dadka dunida xanuunkan qabaa ay yihiin dad sigaarka cabba, inta badana waa dad si maalinle ah u cabbaayey in ka badan 20 sano.

Helitaanka cudurka ”kols”:

”Kols” ku waxa uu soo jiitamaa in mudda ah oo uu qofka soo hayaa, waxa ay qaadan kartaa 30 – 40 sano inta la arkayo astaamihiisa ugu horreeya. Caabuq ayaa ku dhasha hawomareenka oo ka dhiga meel cidhiidhi ah kuna sameeya nabar aan lagu arki karin sawirka (raajada) caadiga ah. ”Kols” ka waxa si fudud loogu ogaan karaa iyada oo uu dhakhtarku qiyaaso shaqada/tamarta sambabada. Astaamaha lagu garto ”kols”ka waxa ay la mid yihiin kuwa lagu yaqaano xiiqda, wayna adkaan kartaa in la kala saaro xiiqda iyo ”kols”ka.

Sida uu ”kols”ku dadka u qabtaa way kala duduwan tahay. Dadka qaar ayuu u qabtaa si fudud oo aanu wax badan u dhimin nolol-maalmeedkooda, halka uu dad kale hawlgab ka dhigo oo ay lagama maarmaan noqoto in si joogto ah loo siiyo oksojiin. Xaaladaha qaar ayay qofka ku kulmaan xiiq iyo ”kols”.

Tirada dad ee uu ku dhaco:

Waxa la filayaa in in ka badan 200 000 oo qof oo norweji ah oo ka weyn 18 sano ay qaadeen xanuunkan ”kols”. Tiradani waxa ay laba jibbaar ka badan tahay tirada dadka qaada xiiqda. Nisbada soo rididda xanuunkani dadka soo ridaa waxa ay xoog ula korodhaa kororka da’dooda. Fiditaanka xanuunkani waxa uu ku socdaa xawli xoog leh, isla markaa ururka caafimaadka adduunka (WHO) waxa uu xanuunkan ku sheegay in uu ku jiro booska afraad ee xanuunada dilaaga ah ee dadku u dhintaan.

Maxaa ku dhaca jidadka hawomareenka?

  • Koror xabka ku dhasha hawomareenka qaybta loo yaqaano shacabaleyda (bronkie).
  • Isbedel caabuq leh oo ku soo kordha xuubka xabka (slimhinnen).
  • Spasme (isu soo urur) muruqyada ku xeeran shacabaleyda (bronkie).
  • Burbur ku dhaca unugyada kaabidda jidadka hawomareenka waaweyn iyo kuwa yaryar. Xanuunkan ”kols” waxa uu dhaawacaa ka dibna burburiyaa unugyada kaabidda hawomareenka ee ku xeeran shacabaleyda (bronkie). Arrintan waxa ka dhasha in faracyada dhuumaha hawomareenku ay bilaabaan in ay isku dhacaan marka qofku neefsanayo.

Daaweynta xanuunka:

Daawada waxa loo qaadan karaa noocyo kala duwan sida kiniin ahaan, ku neefsasho iyo irbad ahaan oo looga qaato xididka. Sida xiiqda oo kale ayaa waxa la isticmaalaa daawooyin wakhtiga dhow wax tara iyo kuwo wakhtiga fog wax tara (beta-2 agonister) waxa intaa dheer oo la isticmaalaa daawooyin fidiya shacabaleyda sida ”antikolinergika” iyo ”teofyllinpreparater”.

Daawada ”kortison” oo lagu neefsado waxa loo adeegsadaa ka hortag ahaan. Marka la daaweynayo ”kols” kana waxa lagu taliyaa daawooyinka isku dhafan (daawooyinka marka xanuunku ku hayo la isticmaalo iyo kuwa ka hortagga oo isku dhafan).

Ka hortagga ”kols”:

”Kols” waa xanuun aan laga bogsan oo soo noqnoqda, mar haddii dhaawacu dhacana, waxba lagama qaban karo ee joogto ayuu noqdaa. Dhaawacu iskiina uma wada bogsado, daawana ma bogsiiso.

Waxa ugu muhiimsan ka hortagga xanuunkani waa sigaarka oo la joojiyo. Hoos u dhigidda hawada wasakhaysan ee warshaduhu soo saarayaan iyo siyaasad deegaan oo firfircoon ayaa iyana ah qodobo muhiim ah, waxa intaa dheer shaqo ka hortag oo xoog leh oo lala dhexgalo ardayda waxbarashada dugsiyada dhexe iyo kuwa sare.

Kols ”Xanuunka cusub ee haweenka”

Haweenkii xanuunkani faro baas ayuu ku hayaa. Sababta kororkan keentay waa iyada oo ay haweenkii muddadii 10 – 20 kii sano ee ugu dambeeyey ay la wareegeen caadooyinka sigaar cabbidda ee ragga, isla markaana 30 kii sano ee ugu dambeeyey waxa isleekaaday nisbada sigaarka cabta ee ragga iyo haweenka (qiyaastii 30 %). Muddadaa gudaheeda waxa 90 % kordhay haweenka u dhimanaya xanuunka ”kols”. Baadhitaano cusub ayaa muujinaya in haweenku ay uga xamil yar yihiin ragga dhinaca tuubaakada, isla markaana waxa dhakhso ugu dhaca xanuunada xidhiidhka la leh sambabada iyaga oo da’yar xitaa haddii ay sigaarka yaraysan jireen. Sababta arrintan keentay weli ma cadda, laakiin waxa laga yaabaa in sababtu tahay isku dhac ka imanaya hormonada haweenka iyo walxaha tobakada ku jira ee jidhka dhaawaca. 

Waxa ay ku kala duwan yihiin xiiqda iyo ”kols” ku:

Qofka xiiqda qaba waxa ay marba ugu soo kacdaa si ku soo bood ah, iyada oo ay inta badan isbedbedesho shaqada/awoodda sambabadu maalinta gudaheeda. Qofka se qaba xanuunka ”kols” isaga waxa uu xanuunku ugu soo kordhaa si tartiib tartiib ah, iyada uu isbedbedelkiisu ka yar yahay kan xiiqda.

Qofka xiiqda qaba shaqada/awoodda sambabadu waa caadi marka aanay ku kacsanayn. Qofkase ”kols”ka qaba isaga shaqada/awoodda sambabadu waxa ay hoos ugu soo dhacdaa si tartiib ah markasta oo ay da’i u korodho.

Hay’adaha daaweynta

Waxa jira dhowr hay’adood oo baadhitaan, daaweyn iyo baxnaano oo ka shaqeeya xanuunka ”kols”, sida hay’adaha ”Selli”, ”Granheim”, ”Glittreklinikken”, ”Røros”, ”Valnesfjord” iyo ”Skibotn”. Dhowr ka mid ah hay’adahan ayaa dadka xanuunkan qaba u fidiya fursad baxnaano oo qofka 4 toddobaad lagu hayo meel iyada oo ay muddadan la shaqaynayaan dad aqoon kala duwan oo isku dhafan u leh arrimahan.